Hogaamiye kooxeed ka baxsadey magaalada Muqdisho

Image

Muqdisho [GAROWE ONLINE] - Cabdi Nuure Siyaad ''Cabdi Waal'' oo ka mid ah Hoggaamiye kooxeedkii Muqdisho ayaa ka baxsaday magalada Muqdisho ka dib markii uu cadaaadis dareemay sida uu BBC u sheegay maanta 22 Aug, 2014.

Cabdi Waal ayaa sheegay inuu si caadi ah uga soo dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho xili dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ay ka baadi goobayso magalada wuxuna tilmaamay inuu naftiisa kala soo baxday maadama aan la kala garan karin cida wax dilaysa iyo meesha ay kasoo jeedaan.

''Markaan Xaqiiqada kuu sheego dalka danbi kama aanan galin ,mida labaad wax cabsi ah uguma jiraan Muqdisho ayaan joogay meel kasta koox baa haysata wax dowlad la yiraahdo mamulkeeda dad rabaa kama jiraan''.

Hoggaamiye Cabdi Waal ayaa hadda ku sugan magalada Guriceel oo xarun ah Gobalka Galgaduud wuxuna sidoo kale sheegay inuu taageer san yahay hub ka dhigista laga wado magalada Muqdisho balse loo baahan yahay in sharci iyo nidaam loosoo maro.

''Hubkaygii oo ahaa 570 qori waxaan wareejiyay waqtigii Cabdilaahi Yuusuf Axmed, waxaa la ii raadsanayaa waxaan naqdiyay Madaxweynaha waxaa sheegay in labo dowladood oo isku dhex jirta ay yihiin intaas ayaa la igu maagay" sidaan ayuu u sheegay Waal BBC.

Cabdi Waal oo ka mid ahaa kooxdii isbaheysiga argagaxiso la dirirka ayaa sheegay inuu Muqdisho uga soo baxay kadib markii dhowaan ciidanka ammaanka DF isku dayeen inay gacanta ku dhigaan maadama lagu tuhmayo hub inuu gacanta ku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM