​Hoobiyaal lagu weeraray Madaxtooyada Somalia

Image

MUQDISHU- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in hoobiyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada Somalia gaar ahaa xafiiska Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. 

Inta la xaqiiyay saddex ruux ayaa dhimatay 10 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan. Wararka hordhaca ah ee aan helayno ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibril oo kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia. 

Dadka kale ee hoobiyaasha ku waxyeelloobay waxaa kamid ah qoys daganaa nawaxiga Villa Somalia, waxaana dhintay hooyo iyo labo ilmood oo ay dhashay.

Lama garanayo cidda weerarka soo qaaday maadama aysan ka hadlin dhinaca dowladda Somalia, waxaa sidoo kale adag xogta rasmiga ah ee weerarka maadama goor dhaweyd uu dhacay. 

Maaha weerarkii ugu horeeyay ee lala beegsado xafiiska Ra'ilsal wasaaraha Somalia, waxaana weerarkan imaanaya xilli mas'uuliyiinta ugu saraysa dalka ku maqan yihiin waddanka Turkiga gaar ahaan magalada Istanbul. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM