​Hoobiyaal lagu weeraray Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia - Weerar hoobiye ayaa lagu qaadey Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia, xili ay halkaasi xilka kula wareegayaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Wararka Warsidaha GO ka helayo Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya in 5 hoobiye ay ku dhaceen gudaha iyo daafaha Madaxtooyada dalka.

Goobojooge ku sugan nawaaxiga Villa Somalia, ayaa u sheegay GO in hoobiyaashu ay gaarayaan 6 xabo, kuwaasi oo intooda badan u gudbay dhanka Madaxtooyada.

Qaar kamid ah Hoobiyaasha ayaa ku dhacay xaafado ku dhaw Villa Somalia, waxaana wali la xaqiijin khasaaraha Madaafiicda iyo halka laga soo tuuray.

Mid ka mid ah ayaa ku soo dhacay Degmada Warta-nabadda waxaana ku dhintay 3 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin caruur, halka 4 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu inoo sheegay Qof ka mid ah Ehelada dadka ku waxyeeloobay Madaafiicdan.

Weerarka waxaa lagu soo beegay Xil-wareejinta Madaxweyinihii hore ee Somalia, uu uu maanta si rasmiga ah ugu wareejinayo Madaxweynaha cusub ee la doortay Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse inta badan weerarada caynkan ah waxaa fuliya kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM