Hoobiye Lagu Garaacey Jaamacada Kismayo

Image

KISMAYO- Xaaladda deeganka Buulo-gaduud ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa ciidamada isbahaysiga ee Ethiopia oo qeyb ka ah howgalka Amisom iyo kuwa Jubbland in ay dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya Buulo-gaduud oo 30-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubbland ee shalay duulanka ku qaaday Al-shabaabka ku sugan Buulo-Gaduud, balse waa ay ku guul daraysteen inay la wareegaan magaaladaasi, iyadoona ku soo laabtay xerada Jaamacadda ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kalle, wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab xalay ay hooboiyaal ku soo tuureen xerada Jaamacadda oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamadais-baheesanaya.

Waxaa dib isoo laabtay isgaarsiinta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalka Jubbadda Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM