"Hooyada" Abshir Gaarane: Wiilkeyga ma ahan Shabaab, waa la jirdilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Haweenay muuqaalkeeda lagu faafiyey baraha bulshadda oo sheegatay "Hooyadda" Abshir Gaarane Axmed, fanaanka qirtay in uu Al-Shabaab yahay, ayaa beenisay hadalkaas.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Heesaagan ka tirsanaa kooxda fanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Muuqaal soconaya dhowr daqiiqo oo laga soo duubay ayuu ku xaqiijiyey in uu xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida uu u qaabilsanaa dhanka mukhaabaraadka iyo uruurinta canshuuraha.

NISA ayaa shaacisay in ay horgeyn doonto hay'addaha cadaaladda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya si loo marsiiyo "mudankiisa".

"Tan iyo markii uu soo baxay masabidkaas, waan xanuunsanaa, maanta ayaan soo kacay, wiilkeyga ma ahan Al-Shabaab waa la jirdilay, hadalkaasna jirdilka ayaa looga keenay," ayay Maamada shaacisay.

Iyaddoo si qiireysan u hadleysa, madaxda sare ee dalka ayay ka codsatay in ay gacan ka geystaan sii deynta "wiilkeeda".

"Madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre iyo guddoonka baarlamaanka waxaan ka codsanayaan in ay xorriyadiisa u soo celiyaan wiilkeyga oo laga masabitay [laga been abuurtay]," ayay xustay.

Dhanka kale, ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya dhamaan sheegashooyinka ku jira muuqaalka laga soo duubay haweenayda.

Abshir Gaarane, oo erayada kasoo yeeray ay iska fogeysay Al-Shabaab, ayaa la sheegay in uu xoghaye u ahaa agaasimaha Waaxda Fanka iyo Suugaanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Kiiska Abshir Gaarane oo hadal-heyn abuuray ayaa yimid iyaddoo laamaha ammaanka ay soo bandhigeen Ilkacase, macalin Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka gaamada ee Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gaarane uu kamid yahay dhowr Fanaaniin ah oo ka tirsanaa gobolka kuwaasoo la xiray markii laga shakiyey.

Hay'adda NISA ayaa muddooyinkii dambe wadday dhaqdhaqaaqyo lagu qeexay mid shaqaalaha dowladda "looga dhex-sifeynayo shaqsiyaad qaab hoose ula shaqeeya Al-Shabaab iyo qaar lagu tuhunsan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM