Horjooge katirsanaa Al Shabaab oo dowladda isu dhiibay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Warfaafinta Somalia Cabdirxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa sheegay in Horjooge katirsanaa Kooxda Al shabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan.

Eng Yariisow ayaa magaca Horjoogahan ku sheegay Bishaar Muumin Faarax, isagoo intaasi ku daray in uu ka howlgali jirey degmada Xarardheere ee gobolka Galgadauud.

Dhanka kale, Taliyaha Guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa  xaqiijiyey isa soo dhiibista Sarkaalka Al shabaab.

Waxuu sheegay in Sarkaalkan uu watay laba qori oo AK-47 iyo rasaas badan, xilli uu isku dhiibayay Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu xiriiro lasoo sameeyay dhawaan.

Al shabaab kama aysan hadlin is dhiibida Bishaar Muumin.

GAROWEONLINE


Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM