Hotel Cascasey: Kharashka lagu dhisay iyo khasaaraha soo gaarey

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Inkasta oo lagu waayey shaqsiyaad hal-door u ahaa bulshadda, haddana waa jira burbur hanti Soomaaliyeed oo ka dhashay weerarkii isbuucii hore ay Al-Shabaab ku beegsatay huteel Cascasey.

Dayactir mooyee, uma baahna in dib loosoo bilaabo dhismihiisa, wallow hantida lagu dhisay ay ka badan tahay khasaaraha maaliyeed ee uu sababay qaraxaasi ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay ka dambeysay.

Huteel Madiina oo horey loo oran jiray Cascasey kana mida kuwa ugu casrisan ee caasimada ku meel gaarka Jubbaland ku yeelo ayaa hoy u ahaa mas'uuliyiinta maamulka, qurba joogta Soomaalida iyo ajaaniibta.

Si lamid ah waxaa lagu waramayaa in uu saldhig u ahaa odayaasha dhaqanka ee Jubbaland kuwaasi oo ku howlan soo xulitaanka Xildhibaanada cusub ee doorashadda bisha dambe la qorsheynayo.

Sidda laga soo xigtay maamulka oo wareysi bixiyey, dhismaha huteelkaasi oo socotay muddo sideed bilood ah ayaa waxaa ku baxday aduun lacageed dhan nus-milyan – 500 kun – oo lacagta dollar-ka Mareykanka ah.

Bishii June 4-teeda ee sanadkan 2019 ayaa si rasmi ah xariga looga jaray huteelka, oo kahor aysan ka socon wax howl ah, taasi oo macnaheedu yahay in kaliya uu shaqeynayo bil iyo isbuuc.

Shaqaalaha huteelka oo dhamaantooda la sheegay in ahaayeen dad ku dhashay kuna barbaarey Kismaayo ayaa tiradooda lagu qeexay 55 howlwadeeno oo isugu jira qeybaha kala duwan ee huteelka.

Maxamed Cabdi Jaamac, waa mulkiilaha huteelka, isaga oo sharaxaya khasaaraha soo gaarey wuxuu yiri: "Dhismaha huteelka waxaa ku baxdey nus-milyan. Bil iyo isbuuc kadibna waa taa arkeysaan burburka soo gaarey".

Wallow uusan soo bandhigin tirakoob sax ah, Jaamac ayaa ku daray: "Hadii aan qiyaaso khasaaraha kasoo gaarey weerarkii Jimcihii, waxaan oran karaa, laba jibaar ayuu ka badan yahay, meeshii marka hore laga soo bilaabay".

"Macnaha wax la qiyaasi karo ma ahan. Boqolkiiba sideetan – 80% - huteelkan burbur ayaa soo gaarey," ayuu daba dhigay. "Qeybo dhan oo dambas noqdey baa jira, waxaa jira qeybo kale oo qarka u saaran in ay dumaan".

Ma rajo dhigin, balse taageero kama maarmo

Ganacsadaha oo sii hadlay ayaa daaha ka rogay in isbuucyo kadib ay qorsheynayaa in ay dib u bilaaban dayactirka huteelka, inkasta oo uusan meesha ka saarin in uu u baahan yahay garab istaag.

"Si dhaqsi ah in aan u bilowno baa noo qorsheysan, hadii uu ALLE raali ka noqdo," ayuu raaciyey hadalkiisa. "Bulshadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaan ugu baaqayaa in gacan laga geysto dayactirka".

Weerarka lagu ekeeyay huteelka Cascasey ayaa ahaa midkii ugu dhimashada badnaa oo ay Al-Shabaab ka geysato Kismaayo tan iyo markii magaaladan laga xoreeyay sanadkii 2012-kii.

"Sidoo kale, bulshadda waa in gacan ay ka geystaan sidii caawimaad loo gaarsiin lahaa dad ay wax kasoo gaareen weerarka oo ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee magaaladan ka dhaca," ayuu kusoo xiray.

Dhibaneyaasha dhacdadan ayaa isugu jira kuwa waalidkood ku waayey iyo qaar saaxiibo ay uga baxeen, dhamaantoodna waxay u tahay maalin madow oo ay xusuusan doonan marka la gaaro 12-ka July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM