Hotel Dayax ee ku yaal magaalada Muqdishu oo la weeraray

Image

Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray hotel lagu magacaabo Dayax oo ku yaallo meel ku dhaw Isgoyska Sayidka, kana fogeyn xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdishu. 

Qaraxa kowaad waxaa loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada, waxaana xigay qarax kale oo isna ahaa gaari nooca NOAH ah, oo ay la socdeen rag hubaysan oo gudaha u galay Hotel Dayax. 

Hotel-ka Dayax ayaa waxaa daganaa yihiin xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhimatay weerarka, dad badana ay ku dhaawacmeen. 

Dadka goobjooga u ahaa weerarka ayaa u sheegay GO in khasaaraha uu ka badan karo 5 qof, maadaama ay jiraan dad badan oo dhaawacyo culus soo gaaray, oo loo qaadey Isbitaalada. 

Fah-faahinta kala soco wararkeena dambe haddii alle idmo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM