Howlaha horyaala gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadkii hore xukuumada federaalka ah ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi u magacawday gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee wadanka.

Tani ayaa meesha ka saartay hadalhayntii in ajnabi laga dhigayo madaxda Hay’adda ugu sareysa dhinaca lacagta ee dalka inkasta oo ay jiraan sababo ku riixay dowlada arrinkaan. [Halkaan ka akhriso]

Madaxa cusub ee Bankiga Dhexe oo bartay maamulka maaliyada iyo Bankiga horey ma uusan uga soo shaqeyn Banki – gudaha ama dibada – tartan ma uu soo gelin balse waxaa hortaala shaqo adag.

In ka badan 100 ruux oo ajaaniib iyo Soomaali isugu jirta ayaa ka qayb-gashay tartanka xilkaan, sida la sheegayna, Cabdiraxmaan waxa uu kamid ahaa Guddigii qaadayay imitixaanka.

Hadaba faalaqadaan waxaan ku eegaynaa qaar kamid ah howlaha horyaala Cabdiraxmaan isla markaana looga fadhiyo in uu wax ka qabto mudada uu xafiiska joogo.

- Soo celinta kalsoonida Bankiga -

Dadka qaarkii aad uguma kalsoona Bankiga Dhexe ee dalka marka ay timaado dhigashada lacagta, waana mid kamid ah shaqooyinka looga baahan yahay in uu hagaajiyo gudoomiyaha cusub.

Intaas waxaa wehlisa in shaqaalaha dowlada aysan Bankiga Dhexe ka qaadan mushaharka oo kuwa si gaar ah loo leeyahay ama telafoonkooda lacagta loogu diro, taasoo muujineysa dhibaatada jirta.

- Musuq-maasuqa -

Waa mid kamid ah sababaha keenay in dadku kalsooni buuxda aysan ku qabin Bankiga Dhexe. Xitaa hay’addaha dowlada ayuu ka jiraa wax is-dabamarin, inkasta oo xukuumada guulo ka sheeganeyso.

Ku tagfril falka hantida dadwaynaha ayaa ka ah Soomaaliya wax iska caadi ah. Gudoomiyaashii ka horeeyay Cabdiraxmaan waxayna wajahayaan eedaymo arrimahaasi ku saabsan.

- Dayn cafinta -

In ka badan 3 milyan oo dollar ayaa dalka lagu leeyahay wallow ra’iisul wasaare Khayre uu ka dhawaajiyay in aanan dalka lagu hayn wax qaan ah. Balse hay’addaha caalamka wali ma aysan ku dhawaaqin.

Dhowaan ayaa la filaaa in uu wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka u kicitamo Mareykanka halkaasi oo shir arrimahaan quseeya lagu soo qaadi doono, kaasi oo ay dowladu rajo ka muujisay.

- Soo daabicista lacag cusub -

Wasaarada Maaliyada ayaa mar sii horeysay soo bandhigay nooc kamid ah lacago cusub oo lasoo daabacayo. Balse waxay shaaciyay in aysan haysan dhaqaale lagu soo saaro ayna taageero dhibada ah sugayso.

Bankiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Caalamka ayaa shuruud ku xiray in ay maal-gelinyaa lacagta cusub. Shuruudahaasi waxaa qayb ka ah; ciribtirka musuqa, dayn cafinta iyo in lacagta laga wada adeegsado guud ahaan dalka.

"Hadii uu howlahaasi wax ka qabto gudoomiyaha cusub waa mid guuleystay balse hadii uu ku guuldareysto waxba ka dhaamo kuwii ka horeeyay," ayuu yiri falanqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo bankiyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM