Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo hogaan cusub yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa la wareegay taliye cusub, kaasoo lagu soo dhaweeyay magaala madaxda dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Muqdisho.

Diomede Ndegeya, oo Axadii ka degay Muqdisho, ayaa hogaamin doona ciidamadda AMISOM oo kasoo kala jeeda Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Burundi, kuwaas oo dalka jooga in ka badan 10-sano.

Taliyahaan oo aan qariib ku ahayn gudaha Soomaaliya ayaa horey uga qeyb-galay la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

57-sano jirkaan u dhashay Burundi ayaa gudaha Soomaaliya ka howlgayey intii u dhaxeysay 2007 illaa 2009, isagoo ah tababare.

Xilli waaya aragnimadiisa dhanka ciidanka ay tahay 38-sano, dagaaladii Al-Shabaab lagula galay gobolada Baay iyo Bakool sanadkii 2012-kii ayuu qeyb ka ahaan, waxaana ay kasoo hooyeen guulo.

Gudaha waddankiisa, Ndegeya, ayaa soo noqdey lataliye sarre oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca, isagoo ku daabacay majalado badan warbixino ku saabsan howlgaladda nabad-gelyadda qaarada Afrika.

Isbedelkaan ayaa dhacaya xilli qorshuhu yahay in ciidamadda AMISOM ay dhamaadka sanadka dambe isaga baxaan gudaha Soomaaliya, wallow ay jiraan sheegashooyin la xiriira in mudada loo kordhin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM