​IGAD oo walaac ka muujisay khatarta Al Shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia- Warbixin ay soo saartay urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay xaaladda waddamada ku yaalla Bariga Afrika iyo saamaynta ay ku yeesheen weerarada kooxda Al Shabaab iyagoona xusay in kooxdu isku ballaarisay gobolka.

Qoraal kamid ah warbixinta oo soo gaaray GO ayaa lagu sheegay in ururka Al Shabaab uu yahay khatar aan la dhayalsan Karin islamarkaana u baahan in si wadajir ah isaga kaashadaan waddamada ku yaalla Bariga Afrika, waxaana la caddeeyay inay sameeyeen garabyo milleteri oo ku kala sugan dalalka kala ah;Kenya, Jabuti, Ethiopia iyo Uganda.

IGAD ayaa sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay kooxdaasi sameeyaysay taatikoonyin cajiib ah, waxaana warbixinta lagusoo daray weeraro Al Shabaab doonaysay inay ka fuliso dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Caasumadda Addis Ababa, taasoo la xusay inay fashiliyeen ciidamada ammaanka iyadoo gacanta lagu dhigay 2 kamid ah rag ismiidaamiyaal ah oo loo diray inay fuliyaan qorshahaasi.

Isku daygii ugu dhawaan in kooxdu qarax ka fuliso dalka Ethiopia ayaa IGAD sheegtay inuu ahaa sannadkii 2013, waxaana koox uu soo abaabulay nin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sandheere oo loo yaqaanay (Cukaash) la geeyay dalka Ethiopia balse ma uusan fulin weerarkaasi waxaana hakiyay laamaha sirdoonka Ethiopia.

Cukaash ayaa la sheegay in lagu dilay duqayn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee loo yaqaan Drone meel u dhow tuulada Kuyo-barrow ee gobollka Shabeellaha hoose.

Arrimaha ayaa la sheegay inay qaabilsanyihiin koox isugu jirta Oromo iyo Somalia kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 500 kuwaasoo katirsan garab Al Shabaab u bixisay Jaysh Cushra.

Weerarkii ka dhacay dalka Kenya ayaa lagusoo hadal qaaday, waxaana warbixinta IGAD lagu caddeeyay inay jiraa hogaamiyaal sar sare oo kooxda u jooga waddankaasi kuwaasoo dadaal dheer ugu jira sidii dagaallamayaasha Al Shabaab looga tallaabsiin lahaa xadka islamarkaana loo gayn lahaa waddamada dariska iyadoo la sheegay inay jiraan koox diimeedyo xiriirka la leh ururkan laga sameeyay qaar kamid waddamada gobolka kuwaasoo isku dayaya inay hub ka helaan garabyo kale oo u jooga Kenya.

Arrinta Al Shabaab ayaa IGAD sheegtay inay u baahantahay fir-fircooni iyo isku xirnaan, waxayna dalbatay in lagusoo daro waddanka Tanzania.

IGAD ayaa xustay inay muhiim tahay sidii dalalka Bariga Afrika loo siin lahaa aqoon la xiriirta miinooyinka dhulka lagu aaso kuwaasoo la sheegay inay dhibaato adag kala kulmaan ciidamada ku jira howl galka.

Warbixintan ayaa timi xilli dalka Maraykanku duqaymo joogta ah ka fuliyo gobollada Koonfureed ee dalka Somalia kuwaasoo ka dhan ah ururka Al Shabaab, waxaana weeraradii u dambeeyay lagu dilay in ka badan 30 mallayshiyo ay ku jiraan saraakiil sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM