IGAD oo ka walaacsan Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Urur goboleedka IGAD ayaa soo saarey War Saxaafadeed uu kaga hadlay Khilaafka Siyaaadeed ee u dhaxeeya Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

IGAD ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, taasi oo halis gelinaysa horumarada dowladda ay ka sameysay amniga iyo dib u dhiska hay'adaha dowliga 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Qoraalka IGAD kasoo baxay ayaa loogu baaqay Baarlamaanka iyo Xukuumadda inay xaliyaan khilaafka, islamarkaana ay kawada shaqeeyaan doorashada 2020-ka, soo celinta amniga, dib usoo celinta dhaqaalaha iyo bixinta deymaha dalka lagu leeyahay.

IGAD ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xasiloonida Soomaaliya iyo midnimada, islamarkaana is-mariwaagga taagan lagu dhameeyo qaab waafaqsan dastuurka, iyadoo la eegayo duruufaha iyo xaaladda uu dalka ku sugan yahay.

Urur goboleedka IGAD ayaa dhanka kale soo dhaweeyay shirkii ka dhacay Muqdisho 6-dii ilaa 10-kii Febuary kaasi oo madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareey heshiisyo ay kamid yihiin isku dhafka ciidanka, qeybsiga kheyraadka dalka iyo doorashada 2020.

Baaqa IGAD ayaa lagu soo beegay xilli Khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari uu gaarey meeshii ugu sareysay, kaasi oo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ku kala qeybsameen, islamarkaana mashquuliyay Xukuumadda oo ka qaabisay howlaheeda.

Wasiirro dhowr ah oo katirsan Xukuumadda iyo ku xigeenno kuwaasi oo xubno sidoo kale ka ah Gollaha Shacabka ayaa kamid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka la doonayo in xilka looga qaado Jawaari

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka IGAD:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM