​Iikar oo kusoo baxay doorasho ka dhacday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga ayaa maanta dib uga billaabatay Muqdishu, waxaana ku soo baxay Musharaxiin uu kamid yahay ku xigeenka 1-aad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka uu Waqtiga ka dhamaadey Jeylaani Nuur Iikar.

Doorashada oo ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada Cabdicasiis ayaa waxaa lagu doortay Labo Kursi, oo midkood uu kusoo baxay Jeylaani Nuur Iikar, halka mid kale uu Haweenka u gaar ahaa.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 28 Cod, isagoo ka guulaystay Cabdicasiis Cusmaan oo isna helay 23 Cod.

Kusriga Labaad oo ay tartameen dhowr Musharax oo Haween ah, ayaa ku guulaysatay Fahmo Axmed Nuur oo heshay 51 cod, oo ah dhamaan Codadka Ergada codbixinta ka qeyb-qaatey.

Fahmo oo ah Wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka iyo xuquul Insaanka Xukuumada, Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka uu waqtiga uu ka dhamaadey ayaa ka adkaatay Tuuma Cusmaan Nuur oo Ilmo adeer yihiin.

Beelaha Banaadiriga oo ka helay Aqalka hoose 7 Xubnood, ayaa waxay maanta doorteen Labo Kursi, iyadoo mid kamid ah Kuraastooda u harsan ee 5-ta ah loo wareejiyay Doorashadooda magaalada Jowhar.

Beelaha Banaadiriga Bandhawoow iyo Barwaani ayaa Doorashada Kuraastooda Aqalka Hoose waxay ka dhacaysaa Muqdishu, halka Beesha Carab Saalax la geeyay Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM