Imaaraadka oo laga “fogeeyay” qaraxii Muqdisho - Warbixin cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khubaro ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay shaki ka qabaan warbixinta ay soo saartay hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo ah in "waddan shisheeye" uu qorsheeyay weerarkii December 28-keedii ka dhacay Muqdisho, kaas oo dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen.

NISA ma aysan magacaabin dalka ay ku eedeeysay, sidoo kale ma aysan soo bandhigin caddeyn muujineysa qoraalkeeda in meel ka baxsan Soomaaliya laga soo maleegay weerarkii Ex-control Afgooye.

Laakiin, faalle-qore katirsan wargeys ka soo baxa dalka Turkiga ayaa Axaddii maqaal uu qoray ku sheegay in "Imaaraadka uu ka dambeeyay qaraxii Muqdisho."

"Caddeymo laga helay gaariga bamka ee ku qarxey magaalada Muqdisho ayaa horseeday in Imaaraadka uu Ku lug lahaa weerarka," ayuu ku qoray Ibrahim Karagul Jariidada maalinlaha ah ee Yeni Safak.

"Xasuuq ayaa la sameeyay raadadkuna waxay noo horseedeen dhaxal sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan."

Karagul ma uusan soo bandhigin cadeymo uu u daliishanayo eedeynta uu u jeediyay dhaxal sugaha Abu Dhabi, ee ah inuu wax ka ogaa qorshaha lagu fuliyay weerarka lagu dilay ugu yaraan 81 qof.

Yeni Safak waxaa la sheegay inuu xiriir dhaw la leeyahay xisbiga talada haya ee Turkiga [AK party], wuxuuna si joogta ah u muujiyaa taageerada xoogan ee uu u hayo madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan.

Laakiin sedex falanqeeyayaal ah oo aqoon u leh arrimaha amniga Soomaaliya ayaa Talaadadii soo gudbiyay farriin ay u direen UN-ka, oo ay ku muujiyeen in Al-Shabaab ay qaadatey mas’uuliyadda qaraxii Ex-control Afgooye. Xeeldheerayaasha ayaa diiday dooda ku lug lahaanshaha Imaaraadka Carabta.

"Ku lug lahaanshaha Imaaraadka ee weerarka Al-Shabaab waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn," qoraaga fadhigiisu yahay Mareykanka, Prof Ken Menkhaus ayaa ku yiri sidaasi Email uu u diray Talaadadii UN-ka.

“Imaaraatka carabta aad ayuu uga soo horjeeda ficilada Al-Shabaab iyo waxkasta oo ay u taagan tahay Kooxda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Qaraxii Ex-control Afgooye

Khabiirka arrimaha Soomaaliya wuxuu intaas ku daray, “Al-Shabaab waxay horay khibrad ugu lahayd sannado badan sameynta qarxyada babauurta yar-yar iyo gawaarida xamuulka ah. Maxay ugu baahan tahay caawimaadda dowlad shisheeye? ”

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xisbiga talada haya ee Turkiga [AK party] kuma xusin Imaaraadka war uu kasoo saaray Talaadadii weerarkii Muqdisho, kaasi oo uu ku eedeeyay al-Shabaab.

Waxaa jira warar sheegaya in Imaaraadku u kawado Soomaaliya arrimo faa'iido u leh Al-Shabaab.

Dhuxusha

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay 2019 ayaa ku qiyaastay qiimaha dhuxusha Imaaraadka looga soo dhoofiyo sida sharci darrada ah dalka Soomaaliya $150 milyan sanadkii.

Al-Shabaab waxay ka heshaa faa'iidooyin aad u badan ganacsiga dhuxusha oo Qaramada Midoobay mamnuucday 2012, kadib markii kooxda laga saarey magaaladda Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose.

Danjiraha Imaaraadka ee Qaramada Midoobay kama aysan hadlin warbixintaasi, laakiin waxay u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in waddankeedu uu "si buuxda ugu hoggaansan yahay" cunaqabateynta la saaray dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Xiriirka DF iyo Imaaraadka

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka oo ay xulafo dhaw ahaayeen, ayaa si aad ah u xumaanayay mudooyinkii lasoo dhaafay kadib markii Villa Soomaaliya u jan-jeersatay dhinaca Qatar, oo dalalka Khaliijka ugu ugu waaweyn ay xariirka u jareen June 2017, iyagoo ku eedeeyay inay argagaxiso taageerto.

Imaaraadka ayaa si lama filaan ah u soo afjaray howlihii uu ka wadey Soomaaliya ee taageerada ciidanka xoogga dalka iyo barnaamijyadii gargaarka bishii April ee 2019 ka dib markii mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ay la wareegeen ku dhowaad 10 milyan oo doollar oo lacag caddaan ah oo wadey diyaarad ka timid Abu Dhabi, kuna soo degtay garoonka Muqdisho.

Imaaraadku wuxuu sheegay in lacagtaas loogu tala galay in lagu daboolo mushahaaraadka boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dowlada, taasi oo sanado badan ay bixin jireen.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale ka carootay taageerada dowladda Soomaaliya ay u muujisay Qatar, oo dowladaha Khaliijka kusoo rogeen xayiraado dhinaca dhulka, cirka iyo badda.

Saaxiibtinimda Turkiga iyo DF

Turkiga, oo hadda taageerada ugu weyn siiya dowladda Soomaaliya, ayaa la safan Qatar oo ay iska kaashanayaan kahor-tagga Imaaraadka xilli khilaafkooda saameyn xooggan ku yeeshay dunida carabta.

Laba muwaadiniin oo Turki ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii 28-kii December 2019 ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

“Ma ahan warbixin caddeyn ku filan la socota, oo lagu eedeyn karo Imaaraadka inuu xiriir la leeyahay argaggixisada Soomaaliya, ayuu yiri Joshua Meservey, oo ah falanqeeye geeska Africa, oo katirsan Heritage Foundation oo fadhigeedu yahay Washington.

"Waxaan u arkaa in warbixinta la xiriirinaysa Imaaraadka qaraxii Muqdisho mid aan macquul ahayn," Mr Meservey ayaa u sheegay sidaasi Waregyska Daily Nation, oo laga leeyahay wadanka Kenya.

"Imaaraadka waxaa kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya xiriir xun xilligan, laakiin macquul ma ahan inuu saaxiib la noqdo Al-Shabaab,” ayuu Mr Meservey hadalkiisa raaciyay.

Isagoo ka hadlayay warbixinta Wargeyska saldhigiisu yahay Istanbul, oo ah isha eedaynta, ayaa Meservey yiri “Turkiga fursad ayay u tahay oo uu ku ceebayn karo Imaaraadka, maadaama ay labada dal ku tartamayaan saameynta Soomaaliya.”

"Waxaan tuhunsanahay in ku lug lahaanshaha wadan ajnabi weerarka ay tahay mid farxad-gelinaysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya."

Stig Jarle Hansen, oo ah qoraa degan Norwey oo taariikhda al-Shabaab wax badan kala socda, ayaa sidoo kale sheegay in eedeynta loo jeediyay Imaaraadka ay u leedahay macno badan xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo in lagu sii fogeeyo xiriirka xun ee Imaaraadka kala dhaxeeya DF.

Hansen wuxuu xusey in Imaaraadku ka digtoon yahay inuu weeraro dadka rayidka ah xitaa dagaalka Yemen. "Waxaan u malaynayaa inay tahay Al-Shabaab," ayuu yiri isagoo ka hadlayay qarixii Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM