Imaaraadka oo War culus kasoo saaray Lacagtii lagu qabtay Muqdisho

Image

ABU DHABI - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta war kasoo saartey lacagtii maalin kahor lagu qabtey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaaa lagu cambaareeyay tallaabadii ay ku kacday dowladda Federaalka, ee ay is-hortaagga ku sameysay lacag loogu tala galay in lagu bixiyo mushaarka Ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in tallaabada lagu qabtey lacagta oo gaareysa 9.6 Milyan ooo Doollarka Mareykanka ay dhaawacayso xiriirka labada dowladood iyo heshiiskii isafgaradka ahaa ee ay wada galeen November 2014.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaantay in Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliye ee ku sugan Garoonka Aadan Cadde ay qori ku qabteen qaar kamid ah dadkii saarnaa Diyaaradda sidoo kalena lagula kacay xad-gudub iyo jirdil.

"Ficilkan waa mid sharci darro ah, oo lidi ku ah xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaana uu khatar gelinayaa heshiiska Is-afgaradka ee labada dowaladood," ayuu lagu yiri War Saxaafadeedka.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay falkii ka dhacay Garoonka Muqdisho ee xannibaadda lagu soo rogay diyaaradda, kaasi oo jebinaya xeerarka caalamiga ah.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay kaalmooyin kala duwan, iyadoo ka caawisay dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ciidamada iyo Gargaarka bini'aadanimo xilligii adkaa ee uu dalka soo maray.

Warkan kasoo baxay Imaaraadka ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in lacagta la qabtey ay u wareejiyeen Bangiga Dhexe ee Xamar, islamarkaana la baarayo halka ay ku socotay, cida keentay iyo ujeedka laga lahaa.

Imaaraadka ayaa tababar siiyay qeybo kamid ah Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada, iyadoo sidoo kale bixisa mushaaraadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM