Imisa ayay maraysa dhimashada qaraxyada Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya Tirada dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii ka dhacay galabta Hotel-ka Nasa Hablood, ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo isu jiray mudo 45 daqiiqo ah, ayaa kan hore waxa uu ka dhacay afaafka Hotel-ka, wuxuuna ahaa sida Goob-joogiyaasha iyo Saraakiil amniga sheegeen gaari nooca xamuulka ah ee loo yaqaano UD.

Waxaa xigay qarax kaloo isna ka dhashay Gaari SURF ah, balse yar kii hore ayaa galaaftay nolosha dad saarnaa Gaari BL ah, kuwa wadada lugeynayay iyo kuwa fadhiyay makhaayado halkaasi ka dhawaa.

Rag hubaysan ayaa kadib galay Hotel-ka, kuwaasi oo lagu qiyaasay ilaa 3 ruux, oo qaarkood xiran suumanka la isku qarxiyo waxyna ka dagaalamayaan qeybo kamid ah hotel-ka Nasa Hablood Two.

Inta la xaqiijiyay 19 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadan is-xig-xigay iyo dagaalka toos ah ee wali caawa ka socda gudaha Hotel-ka, oo dadka ku jira ay mas'uuliyiin iyo Xildhibaano u badan yihiin.

Mas'uuliyiinta ku dhintay weerarka;

Korneel Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax), oo aha Taliyahii ciidamada Booliska degmada Deyniile.

Zakariye Maxamuud Ciise, oo ahaa la taliye katirsan Wasaaradda arrimaha gudaha

Xildhibaan hore Cabdinaasir Gaarane, oo hadda kamid ahaa Gudiga taakuleynta ciidanka qaranka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow, waxaa lagu dhex-dilay qolkiisa Hotel-ka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gareeraysan Hotel-ka, waxayna rasaas is-waydaarsanayeen Kooxda hubaysan ee gudaha ku jirta, iyadoo ay dadka ka dhigtay la hays-tiyaal.

Dowladda Federaalka wali war ah kama soo saarin weerarka Hotel Nasa Hablood Two, iyadoo tani muujinayso habacsanaanka dhanka amniga oo ka jirta Muqdisho.

Qaraxyadan iyo weerarka ayaa imaanaya labo todobaad kadib markii qarax ay ku dhinteen 358 qof uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo noqday midkii ugu xumaa abid ka dhaca Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM