Internet-ka Koonfurta Somalia oo dib usoo laabtey

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa maanta oo Isniin ah dib usoo laabtey adeegga Internet-ka Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia, oo uu ka maqnaa tan iyo bishii June 25.

Adeeggan maqnaashihiisa waxa uu saameyn ku yeeshay Howlaha iyo Shaqooyinka Hay’daha, xafiisyada dowladda, Shirkadaha Ganacsiga , Xawaaladaha iyo Dadka shacabka ah oo aad ugu tiirsanaa.

Cillada ayaa timid markii uu Markab MSC Alice, oo la sheegay in laga leeyahay dalka Switzerland uu jaray Fiilada Fiber Optic-ga ee marta badda hoosteeda, gaar ahaan meel ku dhaw magaalada Muqdishu.

Ganacsatada Koonfurta Somalia ayaa khasaarey 23 Million oo Doolar, mudadii uu maqnaa Internet-ka.

Dowladda Federaalka ayaa ayaa xirtey Markabka Ganacsi ee jaray fiilada Internet-ka, kaasi oo laga dalbadey inuu bixiyo lacag mag-dhaw ah, inkstoo Shirkada markabka ay diiday eedayntaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM