Isbedel lagu sameeyay hogaanka taliska Mareykanka ee Afrika

Image

WASHINGTON, US – Taliska milatariga dalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu ku dhawaaqay isbedel dhanka hogaanka ah oo lagu sameeyay taliskaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM kaasi oo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu shaaciyey in Stephen Townsend uu noqon doono taliyaha cusub ee howlgalkaasi.

Jenaraalkan ayaa wuxuu bedelayaa Thomas Waldhauser kaasi oo la sheegay in uu gebi ahaanba shaqadda ka fadhiisanayo, isla markaana uu noqonayo howlgab.

Munaasabadda xil wareejinta oo uu ka qeybgeli doono ku simaha Wasiirka Difaaca Mareykanka ayaa waxay 26-ka bishan July ka qabsoomeysa wadanka Jarmalka.

Townsend ayaa wuxuu noqonayaa taliyihii Shanaad ee soo mara AFRICOM tan iyo markii dhidibadda loo taagay sanadka markuu ahaa 2008-dii.

Waldhauser oo qeybaha kala duwan ee ciidamada Mareykanka kasoo shaqeeyay ayaa wuxuu dareeska milatariga xirnaa muddo 43-sano ah.

Taliyaha cusub ayaa tan iyo March 2, 2018 wuxuu ahaa madaxa tababaradda ciidamadda Mareykanka, inkasta oo jagooyin kala duwan uu soo qabtey.

AFRICOM oo kamid ah waaxyaha Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa dusha kala socota howlgalada Washington ee mandiqada oo meelaha laga fuliyo ay Soomaaliya ku jirto.

Howlgalada Soomaaliya oo isugu jira weeraro dhanka cirka ah oo ay fuliyaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo mid toos ah ayaa lagu beegsadaa Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM