Itoobiya iyo Eritrea oo lala xiriiriyey afduub ka dhan ah Axmed Madoobe

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dejiyey qorshe lagu afduubi lahaa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, sidda uu sheegay mas'uul ka tirsan xisbiga Tigreeyga.

Inkasta oo Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki aysan ka jawaabin eedeyntaan, haddana dhawaqaan wuxuu karkarinayaa siyaasada Soomaaliya.

Getachew Reda, xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee TPLF, ayaa shaaca ka dhigay "in ay isku afgarteen in Axmed Madoobe laga soo qafaalo Kismaayo loona dhoofiyo Itoobiya si dacwad dambi loogu soo oogo".

Iyaddoo aanan la ogeyn goorta qorshahaan la maleegay, Axmed Madoobe wuxuu khilaaf kala dhaxeeyaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ciidamo geeyay gobolka Gedo.

Daabulitaanka ciidankaas oo la dhaliilay ayaa sababay isku dhacyo sababay khasaaro, waxayna soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka.

Sidda uu ka dhawaajiyey Reda, qorshaha lagu soo xiri lahaa Axmed Madoobe waxaa loo xilsaarey kumaandooska Itoobiya oo u duulay Kismaayo, balse wuu fashilmay markii ay la kulmeen caqabado maskaxdeed.

Balse mas'uulkaan ma uusan carabaabin taariikhda ama waqtiga saxda ah ee loo naqshadeeyay in lagu dhaqaaqo falkaas afduubka ah.

"Wuxuu halis ku yahay xasiloonida gobolka," ayuu yiri isagoo farta ku fiiqaya Abiy Axmed. Wuxuu intaas ku daray hadalkiisa: "Isagoo uu wehliyo Afwerki, waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda".

Wuxuu Tigray TV u sheegay: "Kumaandoos ayay u direen Kismaayo balse qorshahooda ma uusan xoogeysan. Xilli aan la hadalnay, Madoobe lama soo xirin. Kama ogolaan doono kali-taliyeyaasha in ay iska dhigaan dumuqraadi doonayaal marka ay xaalada dhabta ah ku jiraan, waa in aan burburinaa".

Itoobiya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo badan kuwaas oo calaamad su'aal ay dul-saaran tahay maadaama aysan kamid ahayn howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana maalmihii dambe ay ku lug-yeesheen falal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM