Itoobiya oo Maxamuud Sayid Aadan ka hortaagan in uu galo Beledxaawo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciidamo Itoobiyaan ah balse aan qayb ka ahayn AMISOM ayaa madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ka hortaagan in uu gudaha u galo Beledxaawo.

Mr Aadan oo socdaal ku maraya gobolka Gedo ayaa waxa uu haatan ku xaniban yahay duleedka Beledxaawo, waxaana isku daygii u dambeeyay ee ku geli lahaa laga hor istaagay Arbacadii, 20-ka November.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa sheegay in ciidamadda oo ka yimid Malkaarey oo 3 KM u jirta Beledxaawo ay kala eryeen dadweyne loo diyaariyey soo dhaweynta madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa.

Ciidanka ayaa qaab lug ah kusoo galay Beledxaawo, halka gaadiidkooda dagaalka ay dhanka buundada soo marsiiyeen.

Maxamuud oo lagu wado in uu hadlo kana yimid Ceelwaaq ayaa ujeedka socdaalkiisa waxaa lagu sheegay si uu u qaboojiyo xiisad ay abuurtay dowladda federaalka oo ku aadan kala qeybinta bulshada.

Mas'uuliyiinta Jubbaland ayaa sidoo kale shaaca ka qaadey in ciidamadda ay handadeed abaabuleyaasha soo dhaweynta si ay dhigaan mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka Axmed Madoobe.

Madaxtooyadda Jubaland ayaa horey ugu eedeysay ciidamadda Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM in ay damacsan yihiin in ay gobolka Gedo ka gooyaan Jubaland, qorshahaas oo ay Villa Soomaaliya wado.

"Ciidamadda Itoobiya markii aan waydiinay sababta ay u hortaagan yihiin wafdiga madaxweyne ku xigeenka waxay dhaheen 'dowladda federaalka ayaa amartay in mas’uul Jubaland uusan soo cago dhigan Gedo".

Xiriirka Jubaland iyo dowladda Farmaajo oo nan hagaagsaneyn bilooyinkii lasoo dhaafay ayaa salka ku haya doorashadii uu kusoo baxay Axmed Maxamed Islaam, taasoo u qabsoontay qaab xor oo daahfuran.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xukuumadda damacsan tahay doorasho kale oo ay ka qabato Gedo, oo xuduud la leh dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.

Villa Soomaaliya oo awood dhaqaale iyo maquunin isugu gaysey carqaladeynta doorashadii Jubbaland ayaa doorbidday in ay ciidamo Itoobiyaan ah u isticmaasho "duminta maamul sharciyad iyo dastuur ku dhisan"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo shaqadiisa u raray baraha bulshadda

Wasiir Cabdirisaaq ayaa ka dambeeyay in dhawaan shaqada laga joojiyo Samiira Gaid oo lataliye ka ahayd Wasaarada Amniga.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:01PM