Jawaari oo beeniyay inuu lacag ku bedeshay Is-casilaadiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii Is-casilay ee Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta khudbad xasaasi u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa khudbad-jeedinta Jawaari ayaa waxaa ka qeybgalay 192 Mudane, iyadoo uu shir gudoomiyaya Cabdiweli Ibraahim Muudey, oo xilka sii heyn doono illaa laga soo dooranayo Afhayeen cusub.

Jawaari ayaa kula dardaramay Xildhibaanada ilaalinta madaxbanaanida Gollaha Shacabka, howlaha hay'adaha dowladda iyo kala soocnaanta awoodaha, si looga hortago inuu dalka galo nimaad kaligii-talis ah.

Mar uu ka hadlayay Is-casilaadiisa ayuu Jawaari beeniyay in uu lacag ku bedeshay xilka inuu ka dago, waxaana wararkaasi uu ku tilmaamay mid marin-habaabin ah, oo aan sax ahayn.

"Ma jirto wax dhaqaale ah oo la iga iibsaday Iscasilaadaydayda, taasi oo aan ka qaatey dowladeena ama kuwa dowladaha shisheeye," ayuu yiri Jawaari.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayeen maalmahan warar sheegaya in lacag maalaayiin doollar ah uu Jawaari ku qaatey inuu xilka isaga dago, oo ku dhawaaqo Is-casilaadiisa.

Jawaari ayaa ku baaqay in mudo 15 maalmood ah oo ka billaabanaysa maanta lagu soo doorto Gudooiyaha cusub ee isaga bedeli doona, iyadoo waxii maanta ka dambaysa howsha gudoonka si KMG ah usii wadi doono Muudey.

Gudoomiyaha xiga ee Gollaha ayaa lagu dooran doonaa cod qarsoodi ah oo lamid ah qaabkii Jawaari lagu soo doortey sanadkii tagey horaantiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM