Jawaari oo magacaabay Guddi waanwaan [Akhri magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta magacaabay Gudii cusub, oo wakiil uga noqonaya wadahadallada lagu xalinayo Khilaafka ka taagan mooshinka laga keenay.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku dhawaaqay Guddi ka kooban 8 xubnood, kuwaasi oo kala ah; 

  1. Maxamed Cumar Iymow
  2. Liiban Cismaan Cabdiraxmaan
  3. Dr Cabdifataax Ismaaciil Daahir
  4. Xassan Cabdi Ismaaciil
  5. Axmed Macallin Fiqi
  6. Fawziya Maxamed Sheekh
  7. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan
  8. Aamina Xassan Cali

Guddigan ayaa la magacaabay kadib markii dhawaan garabka Xildhibaanada ee kasoo horjeeda Jawaari ay diideen inay la xaajoodaan/wadahadlaan Gudi horey u magacaabay oo uu gudoomiye ka ahaa Caddow Cali Gees.

Dhinac kale, Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa magacaabaya Guddi kale oo u matala wadahaladda xalka loogu raadinayo Ismari-waagga ka taagan Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ah Jawaari.

Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu socdo isku dayo lagu qancinayo Jawaari inuu xilka ka tanaasulo, oo is-casilo kahor kulanka Isniinka ee Gollaha Shacabka iyo in uu ogolaado in la guda galo Mooshinka, oo cod qarsoodi ah loo qaado.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa qaarkooda diidan inuuu iscasilo, iyadoo kuwa kalena ay usoo jeediyeen inuuu aqbalo Mooshinka in la horgeeyo Gollaha Shacabka, kadibna ku qanco natiijada codka loo qaadi doono. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM