Jubaland u digtay Farmaajo xilli ay diidey talaabo ay qaadey xukuumada

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Jubbaland ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay talaabooyinka aan dastuurka iyo sharciga waafaqsaneyn ee ay qaadeyso xukuumadda federaalka ah ee kalsoonida uu kala noqdey baarlamaanka dalka.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedkaas oo saxaafada u waramay, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay magacaabida Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka Qaranka.

Ku simaha madaxweynaha maamulkaas ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda ku meelgaarka ah aysan awood sharci ah u lahayn magacaabidaan, kuna kooban tahay sii gaarsiinta shaqadda maalinlaha.

Madaxweyne Farmaajo ayuu si cad ugu booriyey "in uusan ku sirmin" go'aanada ay gaareyso xukuumadda lumisay kalsoonida Golaha Shacabka.

Mr Aadan oo sii hadlaya ayaa daaha ka rogay in xubnaha Golaha Wasiiradda meelmariyeen aanan laga talogelin dhinacyaddii ay khuseysay.

"Sidaas awgeed, madaxweynaha oo ah ilaaliyaha dastuurka iyo shuruucda waxaan uga digeynaa in uu waafujiyo xeerka Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'addaha kale ee muhiimka u ah adeega bulshadda," ayuu raaciyey.

Labada gole ee baarlamaanka federaalka ah – Aqalka Sarre iyo Golaha Shacabka – ayuu ugu baaqay in ay eegaan sharci-ahaanshiyaha dukumiintiyadda kaga imaanaya xukuumadda ku meelgaarka ah ee talada dalka haysa haatan.

Golaha Adeega Garsoorka, oo ay ku xigto dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah taasoo xalinaya khilaafyadda ku saabsan dastuurka, iyo Hay'adda Batroolka Qaranka ayaa bud-dhig waxay u yihiin yagleelida dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM