Jubaland oo diidey dacwada badda ee ka dhanka ah Kenya

Image

Axad, September 06, 2014 [ GO]- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeysiga ee maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Shaafici ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha ku saleysan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaliya iyo dowlada Kenya.

Wasiirka ayaa gebi ahaan beeniyay qaadashada dowlada Kenya qeyb kamid ah badda Soomaliya waxana uu ku tilmaamay go'aanka ay DFS ugu gudbisay beesha caalamka Dacwad ku aadan muranka badda inuu yahay mid aan laga fiirsan laguna deg degay.

Dooda murunka ka taagan badda Soomaliya waxaa dhawaan magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isku soo hadal qaaday madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta wali waxaa jira doodo la xiriiri murunka badda oo soo jitamayay sanadao badan.

"Runtii ka Jubbaland ahaan gacan ma siineyno in dhulka Somalia laga qaato, lakiin ma ogin in dhulka Somalia la qaatey, gaar ahaan meesha ay ka hadlayaan waa degmada Badhaadhe iyo magaalada Raas-kaambooni, badda Raas-kaambooni cid qaadateyna ma ogin, dowlada Kenyana dhul Somaliyeed oo badd iyo Barri ma qaadan waxaana is-leeyahay annaga ka Wasaarad ahaan arrintaas dowladda u qortey maxkamada caalamiga ah way ku fududaatey saxna ma aha, daraasad iyo warbixin baan diyaarinay waxna nala-kama socodsiin, dhanka kale dowlada Kenya uma qalanto in sidaas loogu af-lagaadeeyo arintaas, dadka Badhaadhe iyo Hulluqa ee Somalia iyo Kenya waa dad isku degaan ah dhibaato iyo muran dhuleedna kama dhexeeyo, Jubbaland iyo dowladda Kenyana kama dhexeeyo, waxaan is-leeyahay ujeedo macno kale huwan weeye dacwadaan, ma qabno fikradaas" ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiga maamulka Jubbaland.

Dowladda Somalia ayaa warqad dacwad ah ka gudbisay Dowladda Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka badda ah Maxkamada Caalamiga ah ee QM oo fadhigeedu yahay magaalada Hugue ee dalka Natherland.

Dowladda Kenya oo ciidamo ka  joogaan Koonfurta Somalia tan iyo 2011 ayaa sheeganeysa sadex geesood biyaha badda ah ee cabisrkiisu yahay 100,000 square kilometers ( 40,000 square miles) taasoo dhinaca kale dowlada Somalia sheeganeyso.

Nairobi ayaa dhulkaas siisey shirkado ka baaro shidaal iyadoo muran dhinaca sharciga ah weli ka jiro.

" Somalia, waxa ay ka codsatey Maxkamada " iney xaqiijiso, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah, halka uu yahay xuduud baddeedka rasmiga ah ee u dhexeeya wadanka Somalia iyo Kenya' " Maxkamada caalamiga ah (ICJ) ayaa qoraal kooban ku sheegtey.

Somalia, oo ku dhacda Woqooyiga Kenya, ayaa rabta in xuduudka badda uu la socda inta uu leeg yahay midka dhulka, ilaa iyo inta laga gaarayo Koonfur barri.

Kenya aya dhinaca kale rabta in xuduudka badda uu noqdo mid toos ah oo u socda ilaa jihada Barri, taasoo siineysa dhul badeed badan.

Labadan dowladood ayaa rumeysan jiritaanka Maxkamada caalmiga taasoo sahleysa iney qataan go'aanka ay gaarto ICJ.

" Wadahadal labada dhinac isku dhaafsadeen fikaradahooda waxey noqdeen kuwa miro dhali waayey si loo xaliyo khilaafka jira" sidaas waxaa yiri Maxkamada caalamiga ah in dowlada Somalia ku xustey dacwadeeda.

Dacwadaha horyaala Maxkamada Hugue ayaa ah kuwa go'aan ka gaaristooda qataan muddo sanado ah.

Maxkamadaan ayaa dhidibada loo taagey 1945 waxeyna kamid tahay awoodaha sharci ee ugu weyn ee QM leedahay taasoo fadhigoodu uusan aheyn magaalada New York.

Hadalka maamulka Jubbaland ayaa noqanaya mid dhabar jab ku noqanaya dowlada Federaalka ah oo dacwadaan ka dhanka ah Kenya garwadeen ka ah.

Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ayaa dhowaan booqasho ay ku yimaadeen magaalada Kismayo ka qayb qaatey wadahadal dhexmarey maamulka Jubaland iyo Col.Barre Hiraale oo markii dambe u dhoofey magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM