Jubba iyo Daallo oo lagu eedeeyay dayacaadda Xujeyda [DAAWO]

Image

MAKKA, Sacuudiga - Qaar kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan u aaday gudashada acmaasha Xajka ayaa la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kadib markii balamaha qaarkood uga baxeen shirkadihii Diyaaradaha ee dalka kasoo qaadey.

Maxamed Cabdulqaadir Ibraahim, oo kasoo xajiyay Muqdisho ayaa wareysi gaar ah uu siiyay Warsidaha Garowe Online ayaa daboolka ka qaadey in markii la geeyay Sacuudiga la dejiyay meel 4-KM u jirta magaalada Xaramka, islamarkaana aysan helin adeeggii iyo daryeelkii dabooli lahaa baahiyahooda inta badan.

"Waxaan kamid ahay xujeyda kasooo xajisay Xamar, markii nala keenay hoteelada, sidii aan rabney ee inaan ku dhawaano Xaramka way noqon wayday, oo waxaa 4-KM naloo soo jirsiiyay, hadii hoteelada nala keenay waxba kama aanan qabin, een waxaan rabnay markii nala soo qaadey waxaa nala dejiyay inta u dhaxeysa Mina iyo Mus-dalifa, yacni daryeelka aad ayuu u liidatay runtii, waxaa la rabey xagga gogosha, xagga jiifka, xagga teendhooyinka in dadka laga simo ayaa la rabay, laakiin waxay noqotay ninkii wax helay ha helo, ninkii wax waayayna ha waayo," ayuu yiri Xaaji Maxamed.

Xaajiga ayaa sheegay in qaabka ay Shirkadaha Diyaaradaha ula macaamileen xujeyda ay ahayd mid aan wanaagsan isagoo codsadey iney wax ka badalaan adeegyayada ay siinayaan xujeyda.

Dadka dayacaadda badan ku dhacdey ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey waxay ahaayeen dad intooda badan kasoo Xajiyeu gobolada ku yaal Koonfurta fog ee Soomaaliya, kuwaasoo aan dacwoon karin marka loo eego Soomaalida kale ee ka timid degaanada kale ee dalka, sidaas waaxa Garowe Online u sheegey qof kamid ah Xujeyda oo la hadlay warsidahaan. 

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgalay dhibaatooyinka xujeyda Soomaalida ah, ayaa la hadlay dhowr Xaaji oo dhamaantoodaba qiray in markii ay ka yimaadeen dhagax-tuurka ay u soo lugeeyeen Mina qaraxda iyo Hawada jirta iyadoo muwaadiniinta dalalka kale laguu qaadayay basas. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay Shirkadaha duulimaadka diyaaradaha ee Daallo iyo Jubba inay ilaaliyaan sumcadooda ganacsiga, oo aysan Xujeyda Soomaaliyeed ku balan-furin markii ay Sacuudiga geeyaan.

Mid kamid ah xujeyda Soomaalida oo edeeg la’aantu kaga dhacdey Sucuudiga

Dowladda Federaalka ayaa sanadkan sameysay dedaallo badan oo ay ugu raadinayso xujeyda inay helaan adeeg ka duwan kuwii hore, iyadoo soo faragelisay sida Shirkadaha diyaaradaha u daabulayaan dadka iyo qiimaha lagu qaadayo balse waxaa ka maqnaa inta badan hay'adaha ku shaqo leh koemeerka xujeyda iyo in adeegyadii loo qabtey.

Labo kamid ah kumanaanka xujeyda ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen Sacuudiga, gaar ahaan goobaha laguu guto acmaasha xajka, iyadoo kuwa kale uu lasooo darseen xanuuno kala duwan kadib markii la dayacay, oo ay waayeen wax adeeg ah. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Xujeyda ayaa la dejiyay hoteello aan wanaagsanyn, oo aan lahayn qaboojiye-yaal [Air conditioners], cunto tayo leh iyo gaadiid la'aan, iyagoo u lugeynaya masaafo dheer oo ka badan 4-KM taasoo caqabad kala kulmeen gudasha acmaasha xajka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM