Jubbaland iyo AMISOM oo wada sugaya amniga doorashooyinka

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa Isniinta maanta ah wuxuu qaabilay taliska howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Kulanka Axmed Madoobe iyo taliyaha howlgalkaasi, Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan kaliya amniga doorashooyinka.

Xafiiska hogaamiyaha maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa wuxuu gaashaanka u daruuray in wax siyaasad ah lagu soo qaaday shirkaasi gaarka ah.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa shaaciyey in dhinacyadda ay isla meel-dhigeen shan qodob oo kala ah;


Dardargelinta amiga iyo dagaalka Al-Shabaab

In aysan AMISOM farogelineyn doorashooyinka

In ciidamada booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland ay sugaan amniga doorashooyinka

Dib u soo celinta shirarkii bilaha ee labada dhinac

Xorreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato


"Waa waxbo kama jiraan in AMISOM ay farogelineyso doorashooyinka Jubbaland," ayuu mudane Sayid yiri, isaga oo ka jawaabaya warar soo baxayey.

Is-afgaradkan ayaa imaanaya iyada oo maamulka Axmed Madoobe uu dhowaanba ku adkeysanayay in ciidamada dowlad goboleedkaasi ay sugayan amniga doorashada, kana diiday dowlada federaalka.

Doorashadda Jubbaland oo aad isha loogu hayo ayaa loo balansan yahay 24-ka bisha August ee sanadkan 2019, iyadda oo ay haatan socoto soo xulista Xildhibaanadda cusub, wallow aad loo dhaliilayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM