Jubbaland iyo Beesha Caalamka oo ka shiray arrimo quseeya Soomaaliya

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu wadahadalo dhanka online ah uu la yeeshay qaar kamid ah xubnaha Beesha Caalamka, sidda uu xusay xafiiskiisa.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu shaaciyey ajendaha looga hadlay kulanka dhinacyadda.

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan," ayaa lagu yiri.

Qoraalka oo lasoo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha ayaa lagu soo bandhigay magacyadda danjireyaasha kasoo muuqday wadaxaajoodyadda oo socday dhowr saacadoos.

"Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya," ayaa la raaciyey.

Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa si qoto dheer loogu sharaxaya qodobadda ay darafyadda isla eegeen mudadii uu socday kulankooda oo lagu sifeeyay in uu ahaa mid aad muhiim u ah.

"Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda," ayaa lagu soo xiray.

Saaxiibadda Caalamka ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn u daneynayaan siddii loosoo afjari lahaa wadashaqeynta la'aanta dowlada federaalka iyo Jubbaland kahor doorashooyinka loo jadwaleeyay 2020-2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM