​Jubbaland iyo Galmudug oo soo saaray liiskooda Aqalka Sare

Image

Maamullada Jubbaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnahoooda u matalaya Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Somalia.

Xubnaha labada maamul soo saareen oo ka kooban 8 xubnood.

Jubbaland ayaa kuraastaas ku tar-tansiisay qaar kamid ah murashiixta booskan doonaya ee kasoo jeeda beelaha maamulkaasi daga.

Dhinaca kale Galmudug, ayaa soo saartay liis ay ku cadyihiin Sideed xubnood oo maamulkaasi u matali doona Aqalka Sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooya Cadaado, ayaa lagu sheegay xubnahan iyo beelaha ay kasoo jeedaan, waxaana ka dhex muuqada shakhsiyaad xilal kasoo qabtay Galmudug oo ugu sareeyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Xubnahan ayaa intooda badan loo tartansiiyay min labo xubin.

Waxay soo baxeen xilli maamulka Puntland soo saartay Liiskeeda oo ka kooban 11 xubnood.

Wali lamasoo dhammaystirin liiskii lasugayay oo ka kooban 54 xubnood, waxaana jira maamullo aan wali soo gudbin sida Koonfur Galbeed iyo Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM