Jubbaland oo amaro culus dul-dhigtay AMISOM [Maxaa soo kordhay?]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, ahna caasimad goboleedka Jubbaba Hoose, waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir halkaas uga socday maalmihii lasoo dhaafay maamulka iyo saraakiisha AMISOM.

Shirkaan oo sidoo kale kasoo qeybgaleen saraakiisha ciidamada xooga ee dalka Soomaaliya, ayaa waxaa diiradda lagu saarey xaalad amaan ee deegaanada Jubbaland iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shirka markuu soo gaba gaboobay u waramay warbaahinta ayaa sheegay in qodobadii shirka loogu hadlay ay ahaayeen kuwa lagu heshiiyay.

Wuxuu sheegay in shirka laga soo saarey war-murtiyeed, sababo jira dartooda aanan loogu soo bandhigi karin warbaahinta, isagoona carabka ku dhuftay in qodobadii laga dooday ugu muhiimsanaayeen dagaalka ka dhanka AlShabaab.

Balse, warar uu Warsidaha Garowe Online ka helayo illo xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in qodobada shirka looga hadlay kamid ahaayeen in ciidamada AMISOM ay waajib tahay inay ka qeyb qaataan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Jubbaland.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in maamulka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] uu u sheegeen saraakiisha AMISOM ka socotay ee shirka joogtey inaan laga yeeli doonin inay xeryahooda iska fadhiyaan, oo aan dhaq-dhaqaaq sameyn.

"In sanad walba uu dhamaado iyagoo xeryaha iska fadhiya ma ahan wax laga yeelayo, waa inay howlagalada ka qeyb qaataan, ayna shaqeeyaan," sidaas waxaa GO u sheegay mas'uul katirsan Jubbaland, oo diiday in la baahiyo magaciisa.

Ciidamada AMISOM, ayaa waxay ka joogaan deeganada Jubbaland meelo badan, kuwaasoo badankooda ka socda wadanka Kenya, islamarkaana aanan wax howlgalo oo Al-Shabaab ka dhan ka fulin Jubbooyinka iyo Gedo mudo dhowr sano ah.

Mudada uu shirku socday ayaa waxaa kaloo la sameeyay madal ay ku mideysan yihiin hogaanka ciidamada ee Jubbaland iyo kuwa AMISOM, si loo dar-dar geliyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirkaan ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay kordhisay maalmihii u dambeeyay howlagalada ay ka fulinayso deegaanada Jubbaland, lamana oga hadii heshiiskaan ay gaareen madaxda Jubbaland iyo AMISOM, lagu wiiqi karo awooda Kooxdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM