​Jubbaland oo diyaarinaysa ciidamo ka howlgala Jubbada hoose [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Xeradii hore ee Ciidamada Cirka ee loo yaqaanay Ma-Dhammaato oo iminka Tababar uga socdo ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland.

Ciidamadan ayaa qaatay tababar kala duwan iyagoo hadda isu diyaarinaya howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo hadda gacanta ku haya deegaano katirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ciidamada ayaa loo qalabayn doonaa hab wanaagsan kaasoo qayb ka noqonaya dadaalada maamulkaas ku doonayo inuu soo celiyo deegaanada gacanta ugu jira ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madaxmed Islaam ayaa maanta booqday xaruntaas isagoo dhiirigalin u sameeyay ciidamada ku jira tababarka, wuxuuna ku booriyay inay u istaagaan sidii ay u xorayn lahaayeen deegaanada wali ku jira gacanta ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Askarta ku amaanay siday ay ugu dulqaadanayaan duruufta adag ee waddanka ka jirta isagoo sheegay in aan waxba laga hagran doonin isla markana ay Dowladu dhabarka isaga jabin doonto sidii ay xuquuqdooda mar walba u heli lahayeen.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida wuxuu intaas ku daray in daacadnimo looga baahan yahay isla markana ay masuuliyad adag saran tahay Ciidamadan oo looga fadhiyo in ay deegaanka ka xoreeyaan koox uu sheegay in ay marayso marxalad burbur iyo kala yaac ah oo u baahan oo kaliyah in la is raaciyo.

“Hadii aad idinku daacad u noqotaan Dalkiina oo aad u dhabar adaygtaan dagaalka aan cadawga kula jiro waxaa dhab ah in aan ka maarmayno Ajinabi iyo Ciidan shisheeye” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladu ay bil walba diyaar la tahay mushaarka iyo gunooyinka Ciidanka si taas lamid ahna looga baahan yahay in waajibaadka saran ay kasoo baxaan.

Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa qorshayaal uu ku dhisayo cududa ciidamada qalabka sida, waxaana sannadkan gudahiisa tababar loo xiray dhowr dufcadood, kuwaasoo haatan ka howl gala deegaano katirsan gobollada Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM