Jubbaland oo diyaarisay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Mamaulka Jubbaland ayaa shaaciyay inuu diyaariyay ciidamo duulaan ku qaada deegaanada iyo degmooyinka Al Shabaab ka joogaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Cabdirashiid Janan, Wasiirka amniga Jubbaland ayaa shaaciyay inay u diyaar-garowdeen gulufka dagaal ee ay dowladda Federaalka hormuudka ka tahay, kaasi oo Al Shabaab looga sifeynayo dalka oo dhan.

Wuxuu tilmaamay in duulaanka cusub uu noqon doono mid aan loo kala hari doonin madaxda sare ee Jubbaland iyoo saraakiisha kale si loo dhiira-geliyay ciidamada fulinaya howlgalka military.

Ciidamada Jubbaland waxaa si aad ah uga gacan siiya dhinaca amniga Militariga Kenya iyo kuwa kale oo American ah kuwaasi oo ka fuliyay weeraro dhanka cirka ah goobaha ay joogaan Malleeshiyaadka Al Shabaab.

Jubbaland ayaa horey u shaaciyay qorshayaal noocan ah, oo dhaqan-geli waayay, iyadoo xoogaga Al Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanada ku yaalla Jubbada hoose iyo Gedo, iyo guud ahaan Jubbada dhexe.

Hadalkan ayaa imaanaya xili Madaxda dowlad goboleedyada iyo Federaalka uu Shir uga socdo tan iyo Todobaadkii tagey magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo amniga iyo in la iska kaashado dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM