Jubbaland oo jawaab adag ka bixisay go'aano kasoo baxay XF Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa jawaab adag oo rasmi ah wuxuu kasoo saarey go'aankii ay dowladda federaalka ku joojisay duulimaadyadda tooska ah ee Kismaayo.

Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Kismaayo ayaa waxaa looga fal-celiyey hadalkii Golaha Wasiirada federaalka ee ahaa in ay "maamul u dhisayaan Jubbaland".

Bayaanka Jubbaland oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in go'aanadaasi "aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin" degaanada maamulkaasi.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xayiraada socdaalka Kismaayo uu "xadgudub ku yahay xuquuqda muwaadinka leeyahay sida uu xeerinayo dastuurka ku meel gaarka ah".

Go'aanada xukuumadda dhexe kasoo baxay ayaa waxaa lagu tilmaamay kuwa "u adeegaya dano gaar ah oo baalmarsan dastuurka iyo shuruuca kale ee dalka u yaala".

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa lagu booriyey "in ay si degdeg ah xal uga gaaraan ku tumashada xukuumada ee dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ay maamulka iyo shacabka Jubbaland ay "difaacan doonan xuquuqdooda dastuuriga ah, aysana aqbali doonin in la burburiyo nidaamkooda, ammaankooda, horumarkooda iyo midnimadooda".

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM