Baarlamaanka Jubbaland oo dooranaya madaxweyne cusub

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Iyadda oo ay jirto feejignaan amni, ciidamada ammaankana heegan buuxa la geliyay, maamulka Jubbaland ayaa dooranaya Khamiista maanta ah madaxweynihii saddexaad.

Inkasta oo lagu dhawaaqay dhismihiisa 3-da bishii April sanadkii 2011-kii, haddana maamulkan ayaa waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday dowlad goboleedyadda dalka ka jira 29-ka August ee 2013-kii.

Mudada uu dhidhibada u taagan yahay maamulkan oo doorasho madaxweyne galay laba jeer ayaa waxaa kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe, kaasi oo mar saddexaad uu damac ku jirto.

Murashaxiinta ku baratameysa coddeynta maanta ee kursiga ugu sareeya Madaxtooyadda maamulka Kismaayo oo ay ku jirto hal haweenay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sida hoos ku xusan;

1. Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]
2. Canab Maxamed Daahir
3. Maxamed Cumar Geedi
4. Maxamuud Maxamed Cumar

Xildhibaano ka kooban 73 xubnood ayaa kala xulan doona siyaasiyiintan xili baarlamaanka uu maamulka doorashada kala wareegay Guddiga Doorashooyinka kadib codsi uga yimid Beesha Caalamka.

Magaaladda Kismaayo oo ay coddeynta ka dhaceyso ayaa waxaa la sheegay in laga xiray meelaha laga soo geli karo ee dhinacyadda Badda, Dhulka iyo Cirka.

Ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM oo kaashanaya kuwa maamulka ayaa wada sugaya nabad-gelyadda goobta ay ka qabsoomeyso coddeyntan aadka isha loogu hayo.

Caasimada ku meel gaarka maamulka oo la geliyay bandow ayaa waxaa la xadiday dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha oo la sheegay in dib loogu furi doono maalin kadib goorta la doorto madaxweynaha cusub.

Jubbaland oo saddex gobol ah; Gedo iyo labadda Jubba [Hoose iyo Dhexe] ayaa magaala madaxdiisu waxay tahay Bu'aalle, halkaasi oo ay Al-Shabaab haysato sida magaalooyin kale.

Wallow ay socdaan dedaalo looga xorreynayo, Jubadda Dhexe oo dhan ayaa waxa uu gacanta ugu jiraa maleyshiyaadka xiriirka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

Sidda ay ka dhawaajisay Qaramada Midoobay, doorashadan ayaa muhiim u ah geedi u socodka nabadda, amniga, siyaasadda, dimoqraadiyadda iyo horumarka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM