​Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey oo Muqdishu tagay

Image

MUQDISHU- Kaaliyaha Xoghayaha  guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca siyaasadda jeffrey feltman un, ayaa maanta gaaray magalada Muqdishu xarunta Somalia, wuxuuna kulan albaabadu u xirnaa la qaatay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

Shirka labada mas'uul ayaa ujeedkiisa lagu sheegay qaabkii Qaramada Miboobey taageero dhinaca siyaasadda ah u siin lahayd dowladda Federaalka Somalia, waxayna sidoo kale isla soo hadal qaadeen arrinta Somalia iyo qaabkii looga gudbi lahaa caqabadaha jira. 

Kulanka kadib majirin cid si rasmi ah ula hadashay warfidiyeenka, kuwaasoo kawarbixiyay waxyaabaha labada mas'uul isku afgarteen. 

Booqashada sarkaalkan ayaaa imanaysa iyadoo dowlada Somalia oo kaashanaysa maamul gobleedyada dalka ka jira go’aan ku gaareen in doorashada soo socota gaar ahaan soo xulista Barlamanka lagu saleeyo 4.5, halka Aqalka sarena maamulladu si siman u qaybsan doonaan marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo saddex xubnood loogu daray. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM