Kadib weerarkii Al-Shabab, waa sidee Xaaladda Villa Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sare loo qaadey heerka feejignaanta Ciidamada Ilaalada qasriga Madaxtooyadda Soomaaliya, kadib weerarkii Al Shabaab ee Habeenkii Jimcaha lasoo dhaafay ka fulisay wadada hormarta Villa Soomaaliya.

Wadooyinka gala xarunta Villa Soomaaliya ayaa la dhigay Ciidamado dheeraad ah, iyadoo aad loo hubinayo gaadiidka ay wataan Mas'uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo Xildhibaanada ee ka gudbaya baraha Koontaroollada.

Koontaroolada yaalla Sayidka, Tiyaatarka iyo afaafka Beerta Nabadda, ayaa lagu arkayaa Ciidamada Koofi gaduudka loo yaqaano, iyo Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah, waxaana ay u diidayaan baabuurta dadweynaha inay u gudbaan dhanka Villa Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Wasaaradda Amniga ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Ciidamada lagu amray in si aad ah u hubiyaan Gaadiidka ay saaran yihiin Askarta, maadaama raggii hubaysnaa ee Jimcihii weerarka fuliyay ay ku lebisnaayeen dareeska Booliska.

Al Shabaab ayaa weerarkii Jimcihii ku sheegtay mid ay ku qaadey Villa Soomaaliya [Aqalka Madaxtooyadda], oo ay degan yihiin Madaxaweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xarunta Nabad Sugida ee Habar-Khadiija.

Weerarka oo isagu jiray labo qarax iyo dagaal toos ah oo qaatey mudo ku dhaw 3 saacadood ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof, oo shacab u badan, waxaana lagu soo beegay maalin kadib markii la magacaabay Taliye-yaasha Booliska iyo NISA.

Muqdisho ayaa xasiloonayd mudadii ay Booliska iyo NISA ahaayeen Taliye-yaal la'aanta tan iyo markii xilalka laga qaadey Madaxdii hore bishii October ee sanadkii tagey wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe ee ay ku dhinteen 512 qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM