Kaftanka Farmaajo ee Mooshinka: Soomaaliya sir ma u qarsoontahay?

Image
Image

MUQDISHU, Soomaaliya- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay 14 Jan,2019  ka qeyb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa uu si kaftan dhable ah uga sheekeeyay sheeko gaar ahaan u dhex martay isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, Maxamad Sheekh Cabdiraxman Mursal, oo dhacday xilligii mooshinka.

Madaxweyne Farmajo ayaa sheegay in xiligaasi uu guddoomiye Maxamed Mursal uu weydiiyay cida ka dambeesay mooshinka, waxaan uu intaa raaciyay in uu u sheegay in kudlad katirsan barlamaanka ee taageersan madaxweynihii hore, Xassan Sheekh Maxamuud ay ka dambeyeen.

"Waxaan dhahay Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, side wax yihiin, markaasu yiri wuu i horyalaa mooshinka, waxaan ku iri side u egyahay, wuxuuna i yiri bal aan kuugu soo celiyo, warqadihii ayuu kala rogay, wuu igu soo celiyay oo wuxuu i yiri nambrkaas waaye, waxaan iri yaa ka dambeeya, wuxuna i yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo''.

Madaxwyene Farmaajo aya u muuqday in uu doonayo in uu kashifo dhinacyada kasoo horjeeda, hasayeshee waxaa la isweydiinayaa sababta aysan Soomaaliya u laheyn sir qarsoon, mar hadii madadweynaha qaranka uu banaanaka soo dhigay waxyaabihii sirta ahaa ee ay ka wada hadleen isaga iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayna adag tahay in lagu arko dalalka kale ee caalamka.

Dowladda Soomaaliya sir u qarsoon ma leedahay?

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu dibedda soo dhigay inay haboon tahay iyo in kale in laga hadlo telefoonnada iyo hadallada hoose ee dhexmaro madaxda dalka.

Inta badan dalalka caalamka waxaa adag in xog hose laga helo waxyaabaha sirta ah ee ay ku wada hadlaan madaxad ugu sareysa dalalkaasi iyo sidoo kale qorsheyaahsa siyaasadeed ee ay damacsan yihiin.

Hasayeeshee Soomaaliya ayaa inta badan fadhi ku diriryada waxaa laga yabaa in dadku ay ku shekeystaan xanta siyaasadeed ee ku gedaaman siyaasadda Soomaaliya oo ay kamid tahay qorsheyaasha dowladda kuwaa oo xitaa mararka qaar laga maqlo suuqyada kahor inta aysan dowladdu ku dhawaaqin.

Saameynta ka dhalan karta in dowladda Soomaaliya aysan laheyn xog qarsoon iyo waxyaabaha ugu wacan ayay BBC-du ay wax ka weydiisay Cabdiqaadir Dhaqane oo ah wasiir hore, kana faalooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Go'aan qaadashada

'' Dowlada haddii aad maqasho waa sir, sir iyo dowlad waa ay isku xiran yihiin, dowladda ayaad moodaa in marka madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha keliya uusan go'aanka ka go'in, waa dowlad aad moodo inay tahay shirkad ama koox, marka go'aan qaadashada iyo sirta dowladda madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha keliya ugu ma jirto ee koox ayay ugu jirtaa, kolama go'aan qaadashada iyo sirtu ay badato na banaanka ayay u baxdaa''. Ayuu Yiri Cabdiqaadir Dhaqane

Waxaa u dmabeeyay hadal heyn dhawaan soo baxday oo sheegeysa in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay damacsan tahay inay isku shaandheyn ku sameyso golaha wasiirada iyo inay damacsan tahay inay xilka ka qaado gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa ka sii horeeyay gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir oo mar ka shaqeynayay maqaamka gobolka Banaadir, balse markii dambe ay soo baxeen warar sheegaya in xilka laga qaadi doono, hasayeeshee markii dambe dhab ay noqotay oo xilka laga qaaday isla gudoomiyihii la hadal hayay.

Maxaa haddaba ka khaldan sirta dowladda?

Sidoo kale waxaa bilooyin kahor la hadal hayay in dowladda federaalka ay wadato musharax kamid ah musharixinta doorahsada madaxweynaha ee Koonfur Galbeed, taa oo markii dambe ay dhacday in isla shakhsigii la hadal hayay uu ku guuleysto doorashada Koonfur Galbeed.

Bilooyin kahor, waxyaabah kale ee qaab xan ahaa kusoo galay suuqyada iyo fadhi ku diririka ayaa waxaa kamid ah qofka loo magacaabi doonaan safiirka Soomaaliya ee Kenya, kaa oo isna markii dambe noqday qofkii la hadal hayay.

In la helo qorshaha siyaasadeed ee dowlad walba ka hor inta aysan ku dhawaaqin waxay sahli kartaa in dhinacyada ay khuseyso ay durbaba ka falceliyaan ama ugu yaraan ay go'aan ka qataan.

Inkastoo aysan cadeyn cidda sirta hoose ee dowladda Soomaaliya u soo gudbisa dadweynaha ayaa haddana waxan marnaba la dafiri karin saameynta ay ku yeelan karto go'aamada siyaasadeed iyo qaabka dadweynaha ay uga falcelinayaan.

BBC 

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM