​Kalfadhiga Labaad ee Barlamanka Somalia oo Muqdishu ka Furmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Kalfadhigii Labaad ayaa maanta si rasmi ah Barlamanka Somalia uga furmay magaalada Muqdishu ee Caasumadda Somalia, waxaana ka qayb galay Madaxda dowladda dhexe, xubno katirsan maamul goboleedyada dalka iyo saraakiil ka socotay waddamada daneeya arrimaha Somalia.

Guddoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa furitaanka Kalfadhiga ka sheegay in arrinta ugu muhiimsan ee taalla ay tahay dib u eegista Dastuurka Somalia, isaogo ku baaqay in arrintaas laga qayb qaato.

Jawaari, ayaa mudanayaasha ka codsaday inay u diyaar garoobaan howl adag oo la qaban doono mudada Kalfadhigan lagu jiro.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qodobo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dastuurka iyo qaab dhismeedka dowlad goboleedyada oo soo dhameystirmaya.

Madaxdii khudbadaha ka jeediyay kalfadhiga labaad ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali  Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdishu Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad taariikhi ah oo uu ka jeediyay kusoo hadal qaaday howlaha horyaalla dowladda iyo waxyaabaha u qabsoomay, isagoo carrabka ku dhuftay in dowladdiius guul ka gaartay shaqooyin badan.

Farmaajo ayaa xusay inay ku guulaysteen; joogteynta mushaarka ciidamada, shaqaalaha iyo hey'adaha dowladda, xakameynta hubka sharci darada ah, howl gelinta ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya sugida amniga, iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay balan-qaadyadii uu sameeyay, iyo caqabada hor-yaala, waxaa uu xusay in arrimahaas oo idil lagu heli karo in gacmo wada jir ah iyo wada shaqeyn dhab ah ay dhex marto hey'adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan sharciyada Muhiimka u ah dalka ee dhawaan Xukuumada ay usoo gudbin doonto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay ka dhabeyn doonto balantii ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in Kalfadhigan ka rajaynayo inuu kasoo baxo wax-qabad muhiim u ah danta shacabka iyo tan qaranka intabada, isagoo Xildhibaanada uga mahadceliyay dadaalada ay wadaan ee ku aadan dib u dhiska dalka, isagoo xusay inay ka qaadan karaan kaalin laxaad leh.

Waa fadhigii labaad ee ay isugu yimaadaan Barlamankan cusub ee dowladda Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna furitaankiisu kusoo aadayaa xilli waddanka uu ku jiro xaalado kala duwan oo ay kamid tahay dadaalka dowladda ee ku aadan soo celin xasiloonida iyo kala dambaynta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM