Keating iyo Taliyaha AFRICOM oo kawada hadlay dagaalka Al-Shabaab

Image

MUNICH - Wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa [AFRICOM], Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa kawada hadlay Xaaladda amni ee dalka Soomaaliya.

Keating iyo Thomas oo isku arkay Shirka amniga ee ka furmay magaalada Munich, Jarmalka [Munich Security Conference] ayaa isla soo qaadey arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen khatarta amni ee Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.

Waxay labada mas'uul ayaa is-tusay in Soomaaliya ay u baahan taageerada beesha caalamka, si looga adkaado Al-Shabaab, islamarkaana dalka loogu soo celiyo nabadda iyo xasiloonida, oo mudo ku dhaw 30 sano ay la dagtay colaad.

Ergayga QM ee Shirka Munich ka jeediyay khudbad uu arrimaha Soomaaliya uga warbixiyay ayaa sheegay in loo bahan yahay isku-dabarid in lagu sameeyay wadashaqeynta beesha caalamka, si markaasi loo wiiqo argagaxisada, lana taageero dowladda Federaalka.

Taliyaha Taliyaha guud ee AFRICOM Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa hoosta ka xariiqay in Xaaladda Soomaaliya ay wax badan iska-bedeleen, balse khatarta kooxaha argagaxisada, gaar ahaan Al-Shabaab ay wali jirto, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

Thomas Waldhauser ayaa xusay in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ay dharbaaxo lixaad leh ku dhufteen Al Shabaab, islamarkaana hoos u dhigtay awooddii Kooxda kadib markii looga dilay hohaamiyaal sare, iyadoo sidoo kale looga hortagay weerarao qaraxyo ah oo ku wajahnaa shacabka Muqdisho.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya Askar lagu qiyaasay illaa 500, kuwaasi oo ka gacan siiya Ciidamada dowladda iyo AMISOM weerarada gaarka ah ee lagu qaado Al-Shabaab, iyagoo Duqeymaha dhanka cirka ah ku taageera.

Tan iyo sanadkii tagey, Ciidamada Mareykanka ayaa in k abadan 35 weerarka oo cirka ah ka fuliyay Soomaaliya, kuwaasi oo AFRICOM sheegtay in lagu dilay boqolaal dagaalyahan, oo kuwa Daacish ay kamid ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM