Keating oo Golaha Amaanka u Gudbiyey Colaada Puntland iyo Somaliland

Image

NEW YORK- Ergeyga gaarka u fadhiya QM dalka Soomaaliya Michael Keating oo warbixin kooban siinayey golaha amaanka ayaa sheegey in colaada u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland ay gacan ka hadal isku badali karto waqti aan fogeyn.

” Khatar weyn ayaa ka jirta khilaafka soo jireenka ah ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland gaar ahaan is-hortaaga ciidan ee ka taagan gobolka Sool, kaasoo keeni kara in dagaal qarxo maalmaha soo socda.” Sidaas waxaa yiri Micheal Keating oo la hadlaya Golaha amaanka.

Keating ayaa sheegey in iyagoo tageero ka helaya wadamo ka tirsan beesha caalamka gaar ahaan kuwo ka tirsan golaha in dhinacyadaan la waydiistey in colaada joojiyaan, ciidamadana kala qadaan si loo bilaabo wadahadal labada dhinac ah.

“ Anagoo tageero ka heleyna wadamo ka tirsan kuwa aan ka wada shaqeyno arimaha Soomaaliya, kuwasoo qaar badan ka tirsan yihiin golahaan, waxaan ka dalbadey Puntland iyo Somaliland in colaada joojiyaan, dib ula noqdaan ciidamadooda si loo helo Jawi ay ku bilaami karaan wadahadal.” ayuu yiri Micheal Keating.

Wakiilka QM ayaa ka gaabsadey talaabada xigta ay qaadi doonaan hadii dhinacyadaan diidaan wada hadalka gaar ahaan Somaliland oo iyadu soo qaadey duulaanka ay ku qabsatey Tukaraq.

Micheal Keating oo booqashadiisa ugu horeysay ku tagey Hargeysa tan iyo intii la doortey Muuse Biixi ayaa waxaa uu kala kulmey diidmo qayaxan Madaxweynaha Somaliland kadib markii uu ka dalbadey in ciidamadiisa kala soo baxo Tuulada Tukaraq.

Dhinaca kale Ergeyga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa warbixin golaha ka siiyey talaabooyinka Dowlada Federaalka ah ka qaadey xagga dib u heshiisiinta isagoo dhinaca kale ku dhaliiley sida ay ula tacaashey siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

Waxaa uu sheegey shilkii ka dhashey xarigii Siyaasi mucaarad ku ah Dowlada uu yahay mid u baahan in dib loo eego nidaamka ciidmada amniga raacyaan marka mushkilad noocaan oo kale ah la wajahayo iyadoo sidoo kale lala xisaabtamayo saraakisha amaanka ee ku dhaqqaaqa howlgalada noocaan oo kale ah.

Wakiilka QM ayaa soo dhoweeyey sida Dowlada Federaalka u maamushey arimaha Maaliyada, shaqo abuurka iyo in dadka ka qayb galiso arimaha maamulka dalka.

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh muxuu kala hadlay dhiggiisa Eritrea?

Madaxweynaha JFS ayaa shalay soo gaaray dalka Eriteria oo tababar uga socda cutubyo ka tirsan Ciidanka.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 07:45AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka shiray xoojinta iskaashi dhexmara

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa qaabilay Danjire Axmed Binu Muxumed Al-Mawlid.

  • Soomaliya

    18-03-2024

  • 01:56AM