Kenya oo gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidanka Booliska ee wadanka Kenya ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ayaa gacanta ku dhigay sarkaal sare oo Al-Shabaab gacan-saar la lahaa, kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Francis Macharia Karishu.

Karishu oo ay horey madaxiisa udhul-dhigeen Booliska Kenya aduun lacageed dhan Hal Milyan oo lacagta Kenya ah, ayaa wuxuu Shabaab kala shaqaynayey ufududeynta weeraro ay ka fuliyaan deegaanada iyo degmooyinka Kenya, sida ay Booliska tilmaameen.

Ninkaan ayaa waxaa lagu qabtay xaafadda Kayole, oo ka tirsan Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, iyadoona loo gacan-geliyay Booliska sida gaarka ah utababaran ee la dagaalanka la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Booliska waxay sheegeen in Karishu uu tababar heer sare ah uu kusoo qaatay dalka Soomaaliya, islamarkaana uu xiriir dhow la lahaa nin ay magaciisa ku sheegeen Cabdi Majiid Xasan, kasoo Isbuucii hore lagu xiray Hodheel ku yaala Magaalada Nairobi

Francis Macharia Karishu, oo ay Kenya sheegtay in Shabaab dhex-dooda looga yaqaan Cabdalla, uu dalka Kenya ugu soo laabtay si uu uga fuliyo weeraro ka dhan xarumaha waa weyn ee Kenya, inta lagu guda jiro bisha Baraakeysan ee Ramadan.

Soo qabashada sarkaal Shabaab gacan-saarka lahaa waxay kusoo beegmeysaa iyadoo Charles Owino, Afhayeenka Booliska Kenya oo la hadlay saxaafada wuxuu qeexay isbuucii hore in ninkaan uu kuu sugan yahay caasimada Kenya.

Markii lasoo xirayay Cabdi Majiid Xasan oo Shabaab ka tirsana ayaa qolka uu ka deganaa Hotel-ka, waxaa laga helay hub farabadan iyo Sunta qaraxyada laga helay.

Kenya ayaa waxay la daalaadhaceysaa weeraro uga yimaada Shabaab, kuwaasoo saldhigyo ciidan oo qarsoodi ah ku leh gobolka Woqooyi Berri ee Kenya, halkaasoo ay kasoo qaadaan weeraro ay ku beegsadaan inta badan askarta Kenyan-ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM