​Kenya: Wafdi kasocda dowladda Somalia oo la xannibay

Image

NAIROBI- Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa xannibaad iyo xushmad la'aan kala kulmay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi. 

Mas'uuliyiinta oo isugu jiray wasiirro iyo Xildhibaano ayaa safar kusii ahaa dalka Turkiga oo dhawaan shir ka dhici doono, balse markii ay gaareen Jommo Kenyatta ayaa loo gudbiyay qaybta dambi baarista garoonka iyadoo laga qaaaday dhammaan baasabooradoodii. 

Inkastoo Ra’isal wasaaraha iyo xubno wasiiro ah markii dambe loo ogolaaday inay gudbaan dalka Turkiga ayaa waxaa weli garoonka ku xayiran inta badan wafdiga, kuwaasi oo lagu wargaliyay inay halkaasi ku dhawraan diyaarado ka qaada iyagoo ka maqanyihiin baasabooradoodii. 

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac, waxa uu ka midyahay wafdiga xannibaaada la kulmay, wuxuuna VOA-da u sheegay in muddo dhan 4 saacadood lagu hayay qaybta dambi-baarista garoonka(CID), isagoo cadeeyay in goobtaasi lagu bahdilay islamarkaana lagu sameeyay arrin aan ka dhexdhici karin labo dowladood oo calaaqaad ka dhaxeeyo.

Mudanaha, ayaa sidoo kale tilmaamay inay ku sii jeedeen magalada Istanbul dalka Turkiga oo shir ka dhici doono, balse ay doonayeen inay kusii hakadaan xarunta Kenya inta kasoo dhammaystirmayaan wufuud kale oo shirka qayb galaysa. 

Cabduullaahi, ayaa xusay inay ka xunyihiin wixii maanta qabsaday, isagoo soo jeediyay in arrinkaasi dowladda Kenya warcad kasoo saarto falka lagula kacay mas'uuliyiinta Somaliyeed.

Wuxuu sheegay inuu tallaabadan horgayn doonaan golaha sharci dajinta Somalia (Barlamanka) si looga fiirsado dhaqanka Kenya, maadama sida uu xusay dalka Somalia gaar ahaan magalada Muqdishu ka shaqeeyaan kumanaan Kenyati ah kuwaasi oo xorriyad ku jooga islamarkaana safaradooda ku hela ixtiraam.

Lama garankaro waxaa sababay falkan oo yimi xilli dhawaan garoonka diyaaradaha Nairobi lagu xannibay koox dhalinyaro ah oo ka tirsan dugsiyada magaalada Muqdishu kuwasoo kasoo qayb galay koobkii 11 jirrada ee ka qabsoomay dalka Qadar. 

Dowlada Kenya oo ciidamo ka joogaan dalka Kenya ayaa sidoo kala martigalisa wadankeeda boqolaal kun Somali qaxooti ah kuwasoo kasoo baxdey dagaalada sokeeye ee ka dhacey dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM