Koonfur Galbeed oo burburisay wadahadalkII DF iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sabab u noqday burburka shir mudooyinkii dambe laga shaqeynayay, oo la filayay inay isagu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamulada dalka.

Guddiyo ka kala socda labada dhinac ayaa ku howlanaa qaban-qaabadda shirka, oo madaxda ku yeelan rabeen khadka Internet-ka [Virtual conference], waxaana fashilkiisa dusha loo saarey Koonfur Galbeed.

Shirarka guddiyada farsamo, ayaa natiijo la’aan ku dhamaadey, waxaana la isku afgaran waayay goorta la qabanayo shirka, kaasoo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya [UNSOM], uu gadaal ka raaxiyay qabashadiisa.

Puntland ayaa soo jeedisay in shirka uu dhaco 20-ka bishan June, laakiin Koonfur Galbeed ayaa kahor timid waqtigaas, iyadoo dalbatay inuu qabsoomo kulan wixii ka dambeeya bisha July ee sanadkan 2020.

Koonfur Galbeed ma aysan sababeyn dib u dhigidda, iyadoo markii dambe ku dhawaaqday in aysan diyaar u ahayn ka qeybgalka shirka la qorsheeyay, taasoo keentay in gebi ahaanba fashilmo kulanka.

Galmudug oo muujisay xiiso ku saabsan in ay marti-geliso kulan madaxeedka ayaa soo jeedisay in la qabto 1-da Juulyo ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Puntland, Galmudug iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in la dhiso marka hore kalsoonida dhinacyada, oo marka hore lagu wadahadlo Internet-ka [ZOOM], laakiin waxaa isku dayga markale ku gacan-seyrtay Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed, oo u janjeerta dhanka Villa Soomaaliya, ayaa diidmo kala hor-timid soojeedin kasta oo dhinacyada kale sameeyeen, oo lagu doonayay in afgarad laga gaaro khilaafka, lana qabto shirweynaha.

Dowladda Federaalka ayaa bishii May ka dalbatay UNSOM in uu casuumaad u fidiyo madaxda dowlad goboleedyada waddanka, si xal loogu helo khilaaf siyaasadeedka la degay dalka saddexdii sano ee xukunka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM