Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo oo kordhay

Image

GAALKACYO, Soomaaliya  - Fahfaahin iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta labo malleeshiya beeleed ku dhex maray magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiisha laamaha amniga Gaalkacyo, ayaa xaqiijiyay in dagaalkii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux, oo labo kamid ah ay ahaayeen Askar kamid ah ciidamada isku-dhafka ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland ee loo xilsaarey amaanka magaalada.

Dagaalka ayaa billowday saaka saacadihii hore kadib markii ganacsato kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ay ku murmeen Bakhaar lagu iibiyo cuntooyinka oo dhawaan laga dhisay halka loo yaqaano Cir-toogtaha ee Suuqa Gaalkacyo.

Muranka ayaa dhaliyay dagaalka, iyadoo malleeshiyaad ay kala wateen Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Galmudug ay foodda is-dareen, kuwaasi oo mudo saacado ah ku dagaalamay Suuqa, iyadoo labada dhinac uu iska hor-imaadka kasoo gaarey khasaaro.

Ma jirto war kasoo baxay Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkii maanta ee Gaalkacyo, balse ciidamada isku dhafka ayaa kala dhex-galay labada dhinac, iyagoo ku guuleystay in xaaladda caadi kusoo celiyay gelinkii dambe.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ah xudunta colaadda Puntland iyo Galmudug oo mudo ka badan 20 soo jeetamaysay, iyadoo ay fashilmeen heshiisyo nabadeed oo ay galeen hogaamiyaashii hore iyo kuwa hadda talada haya ee labada dhinac.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM