Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo oo kordhay

Image

GAALKACYO, Soomaaliya  - Fahfaahin iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta labo malleeshiya beeleed ku dhex maray magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiisha laamaha amniga Gaalkacyo, ayaa xaqiijiyay in dagaalkii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux, oo labo kamid ah ay ahaayeen Askar kamid ah ciidamada isku-dhafka ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland ee loo xilsaarey amaanka magaalada.

Dagaalka ayaa billowday saaka saacadihii hore kadib markii ganacsato kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ay ku murmeen Bakhaar lagu iibiyo cuntooyinka oo dhawaan laga dhisay halka loo yaqaano Cir-toogtaha ee Suuqa Gaalkacyo.

Muranka ayaa dhaliyay dagaalka, iyadoo malleeshiyaad ay kala wateen Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Galmudug ay foodda is-dareen, kuwaasi oo mudo saacado ah ku dagaalamay Suuqa, iyadoo labada dhinac uu iska hor-imaadka kasoo gaarey khasaaro.

Ma jirto war kasoo baxay Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkii maanta ee Gaalkacyo, balse ciidamada isku dhafka ayaa kala dhex-galay labada dhinac, iyagoo ku guuleystay in xaaladda caadi kusoo celiyay gelinkii dambe.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ah xudunta colaadda Puntland iyo Galmudug oo mudo ka badan 20 soo jeetamaysay, iyadoo ay fashilmeen heshiisyo nabadeed oo ay galeen hogaamiyaashii hore iyo kuwa hadda talada haya ee labada dhinac.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM