Khasaaraha dhimasho ee qaraxyaddii Muqdisho oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah oo kasoo baxaya qaraxyadii gil-gilay Sabtidii shalay magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya inay korodhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkaasi, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaad.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saraakiisha amniga iyo Isbitaallada ayaa sheegaya in khasaaraha uu gaarey 25 ruux oo dhimasho ah, kuwaasoo u badan Askar, halka dhaawac uu kor u dhaafayo in ka badan 20 oo shacab iyo askar isugu jira.

Qaraxyadda oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa midka koowaad oo ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay in ka badan 10 qof, oo ay kamid yihiin wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex kamid ah shaqaalaha TV-ga Universal.

Isla weerarkaan oo ka dhashay gaari walxo qarxa laga soo buuxiyay waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Warsame Maxamed [Joodax] oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxii labaad oo laga soo wariyay afaafka hore ee taaladda Daljirka Daahsoon, waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaarey Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, Tuulax.

Tuulax iyo Joodax oo warbaahinta la hadlay waxay tibaaxeen inay aad u wanaagsan yihiin, iyagoo soo kabasho deg deg ah u rajeeyay dhamaan dadkii ay waxyeellada kasoo gaartay dhacdadani.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in ku dhowaad Sideed kamid ah Ilaaladiisa ay ku naf-waayeen weerarkaan, kuwaasi iyo dadkii shacabka ahaa ayuu ALLE uga baryay naxariistiisa jano.

Sidda xogta lagu helay, mudane Tuulax ayaa xiligaasi ku wajahan dhinaca Madaxtooyadda xili goobta uu qaraxu ku qabsaday iyo Villa Soomaaliya ay isku jiraan qiyaastii 200 oo mitir.

Bishii hore November 9-keeda ayay ahayd markii qaraxyo lagu beegsaday Hotel Saxafi oo ku yaalla Isgoyska KM4 ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen Tobanaan oo isugu jira Shacab iyo dad magac leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM