Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, laba kelana waa ay ku dhaawacmeen, illaa iyo haatan, kadib qarax ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee Muqdisho, fiidnimadii Arbacadda.

Dadka geeriyoodey ayaa la sheegay in laba kamid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamadda dowladda, halka ruuxa kalena uu ahaa darawal Mooto Bajaaj oo halkaasi marayey, sida ay sheegeen Goobjoogeyaal.

Dhaawacyadda oo la tilmaamay in ay shacab ahaayeen ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaadka ee caasimadda, halkaasi oo la sheegayo in lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

"Qaraxa wuxuu ahaa Miino dhulka lagu aasey oo ka dhacay afaafka hore ee maqaayad dhowaan la furay. Markii uu qaraxu dhacayey waxaa meesha marayey gaari ciidan," ayuu yiri Cali Axmed, oo ah goobjooge.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa aalaaba looga bartay weerarada ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama oo isgoyskan uu ku yaalo.

AlShabaab oo laga saarey Muqdisho sanadkii 2011-kii ayaa tan iyo waqtigaasi waxa ay ka fulisaa magaaladda howlgalo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay wehliyaan weeraro toos ah.

Goobta uu ka dhacay qaraxa ee Xaaji Baasto ayaa xiliyadda fiidkii ah mid mashquul badan waxaana ku yaala mehrado ganacsi iyo maqaaxiyo ay ku shaaxeeyaan dadyow kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM