Khasaaraha weeraro ka dhacay duleedka Muqdisho oo kordhay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaraaha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraro Al Shabaab ka fuliyay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Weerarka hore ayaa waxa uu ahaa qarax gaari loo adeegsaday, oo ka dhacay irida Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo 30KM dhanka galbeedka uga beegan Muqdisho.

Ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhimatay qaraxa Afgooye, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska dowladda ee ka howlgala degmadaasi.

Lix Askari oo kale ayaa ku dhintay qarax kale oo miino ahaa kaasi oo lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo waday Askartii ku dhaawacmay weerarka Afgooye, xilli ay kusii jeedeen magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtaya mas'uuliyadda labada qaraxa, ay sheegtay inay ku dishay 80 Askari oo Saraakiil iyo Tababariyaal Ciidan ay kamid ahaayeen. Warkan GO si madax-banaan uma xaqiijin karo.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa saaka mudo kooban la wareegtay gacan ku haynta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo 30KM uga beegan magaalada Muqdisho kadib weerar ay ku qaaday.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Balcad ayaa isaga soo baxay kadib markii si kedis ah loo soo weeraray saldhigyadooda, balse Saacado kadib ku laabtay degmada markii Al Shabaab isaga baxday.

Sidoo kale, Xoogaga Al Shabaab ayaa jidka u galay Kolonyo Ciidamada dalka Burundi, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM xilli ay ku safrayeen wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Burundi, Gaston Sindimwo oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in 5 Askari oo u dhashay dalkaasi lagu dilay weerarka Al Shabaab ee ka dhacay waqooyiga degmada Balcad.

Ciidamada Dowladda oo goobta weerarka gaarey ayaa arkay baabuur kuwa xamuulka ah oo ay leeyihiin AMISOM oo lagu gubay weerarka Al Shabaab, kuwaasi oo ay saaranaayeen raashiin iyo sahay kale.

Xaaladda goobihii weerarada ay ka dhaceen maanta ayaa caawa degan, iyadoo aan jirin wax war ah oo Madaxda sare ee dowladda Federaalka kasoo saartay qaraxyada Afgooye iyo la wareegista magaalda Balcad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM