Khatar galbeedka Badda Cas kaga soo fool leh Soomaaliya oo laga digay

Image

NAIROBI, Kenya – Urur goboleedka IGAD ayaa ka walaacsan suurtagalnimada musiibo degaan oo Badda Cas uu ka geysto FSO Safer, oo ah markab shidaal oo ku ku xirtey xeeb jihada dhanka Galbeed kaga taala waddanka Yemen.

Markab shidaal oo laga tegay markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yemen horaantii 2015-kii ayaa tan iyo waqtigaas helin dayactir.

Sidda sheegeen khuburo caalami ah, degaanka Badda Cas waxaa soo gaari doonta waxyeelo aad u balaaran hadii jabo, qarxo ama dab qabsado markab daxalesystay isla markaan sida in ka badan milyan fuustooyin shidaal ah.

Shidaal kasoo daata markabkan waxay sababi kartaa musiibo degaan oo qabsata Badda Cas soo in ka badan 30 milyan dad ku tiisan yihiin.

Dr Workneh Gebeyehu, oo ah Xoghayaha fulinta IGAD, ayaa intaas ku daraya in ay ka dhalan karto qalalaase dhaqaale iyo mid bini'aadanimo oo saameysa Yemen iyo gobolka oo ay ku jiraan dalalka xiga Galbeedka Bada Cas.

Tani ayaa macnaheedu yahay in tusaale ahaan Soomaaliya iyo Jabuuti ay si toos ah u saameyn karto hadii markab uu dab qabsado ama qarxo.

Besha Caalamka ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in ay qaadaan talaabo deg-deg ah oo ay wax kaga qabanayaan ayna dayactiraan markabkaas.

45 sano jirka FSO Safer ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugan yahay meel qiyaastii 60km waqooyiga ka xigta dekedda ay falaagada Xuutiyiinta haystaan ee Xudeyda. Qaramada Midoobay ayay horey uga ogolaadeen in ay soo dirto koox qiimeysa. Sikastaba, wali waxaa taagan is-mari-waa ku saabsan dan ay maleyshiyadda ka leedahay marka ay timaado iibinta saliidda.

IGAD ayaa waydiisatay shaqsiyaadka maamulaya markabka in khuburo farsamo oo madaxbnaan u ogolaadaan kormeerid aan xadidneyn.

"Urur goboleedku waxay soo dhaweyneysaa dadaallada UN-ka ee ku aaddan geynta qiimeyn iyo dayactir lagu sameynayo markabka waxayna amaaneysaa dareenka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo hoggaaminta arrintan," ayuu hadalkiisa intaas kusii diray Dr Workneh.

Wxuuu raaciyey: "IGAD ayaa wali ku sii nagaan doonta arintaan iyada oo ujeedkeedu yahay in si deg deg ah looga hortago khataraha uu leeyahay FSO Safer, iyadoo lala kaashanayo saaxiibadda caalamiga ah".

Intii lagu guda jiray shirkii fogaan aragga ahaa ee 15-kii July yeeshay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, khubaradu waxay ka digeen in aagga Badda Cas uu isu rogi doono goob musiibo haddii xamuulka saliidda ee markabka aan si badbaado leh looga soo dejin sidda ugu dhaqsiyaha badan.

"Waqtigu wuu nagu sii socdaa si aan wax uga qabano qaab isku duuban si looga hortago aafadan saameyneysa deegaanka, dhaqaalaha iyo bani'aadamnimada," ayay tiri Inger Andersen, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay.

Burbur dhaqaale oo dhan 1.5 bilyan Doolar oo kasoo kabashadeeda ay ay qaadan karto 25 sano ayay tibaaxdey in ay sidoo kale ka dhalan karto.

"In kasta oo xeebta galbeed ee Yemen ay sida ugu xun u saamayn doonto, haddana waddammada kale ee Badda Cas, oo ay ku jiraan Jabuuti, Ereteriya iyo Sacuudi Carabiya, sidoo kale way saamayn doontaa, marka lagu daro marinka in ka badan 20,000 oo markab oo maraya Badda Cas sannad kasta" ayay hadalkeeda kusoo gagabeysay haweeneydan 62-sano jirka ah.

Hadii ay dhacdo in uu qarxo ama dab qabsado si lamid ah uu dilaaco, markabka ayaa shidaal badan soo daadin doona taasoo sidoo kale dhabaha u xaareysa in ay xirmaan dekadaha saameeyana kheyraadka badda ku dhex-jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM