Khayre oo la kulmay taliyeyaal kadib rasaaseyntii Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan degdeg ah isagu yeeray taliyeyaasha laamaha amniga ee ku sugan Dhuusamareeb, kadib markii xalay magaaladda ay ka dhacday is-rasaaseyn culus.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka qeybgalay shirka albaabada u xirnaa, kaasoo wararku ay sheegayaan in lagu magacaabey gudi baaritaan ku sameeyay shaqaaqadii xalay dhacday taasoo ay ku dhaawacmeen saddex askari.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo malleeshiyaad, ayaa isku rasaaseeyay afaafka hore ee xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka Ahlu Sunna iyo Xildhibaanno, iyadoo wali aan la ogeyn sababta ka dambeysa iska hor-imaadka.

Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay duulaan kusoo qaadey xarunta Madaxtooyadda u ah ee Inji, halkaasi oo maalmihii dambe ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashadda maamulka Galmudug.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya gudiga farsamada ay dowladda Soomaaliya u magacawday iyo Ahlu Sunna kadib markii labada dhinac ku murmeen soo xulista 20 Xildhibaan oo la siiyay Ahlu Sunna, kuwaasoo qaabkii loogu qeybiyay beelaha dhaliil laga keenay.

Ahlu Sunna oo awood badan oo military ku leh Galmudug ayaa dhawaan heshiis la gashay dowladda, kaasoo dhigaya inay 20 kursi ay ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Galmudug, oo ka koobnaan doona 89 Xildhibaan.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa tagey shalay gelinkii dambe magaaladda Dhuusamareeb, si uu u dardargeliyo arrimaha doorashooyinka, oo dhowr jeer dib u dhacyo ku yimid, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee la degay Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM

Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:14AM