Khayre: Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed waa muqaddas

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Galmudug - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga baxay Dhuusamareeb, xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa, ayaa galabta gaaray Gaalkacyo.

Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay caasimad gobaleedka Mudug.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa waxa uu dadweyne loo diyaariyey in ay soo dhaweeyeen kula hadlay garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay soo dhawaynta ballaaran ayaa ammaan u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii waqtiga badan geliyay jiritaanka Galmudug.

"Gaalkacyo mideysan, is-ogol, is-kuna furan waa qeyb kamid ah horumarka Ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri Khayre, kaasoo ay u tahay markiisii ugu horeysay oo uu magaaladaasi tago intii xilka qabtey.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa muddo 15 maalin oo xariir ah waxa uu ku sugan yahay degaanada Galmudug, isaga oo halkaasi ka wada kulamo uu la qaadanayo dhinacyada ku lugta leh siyaasada maamulkan.

"Waxaan aaminsanahay si loo helo Soomaaliya dhameystiran in ay muhiim tahay in la helo Galmudug dhameystiran, in la helo Galmudug dhameystiran waxaa aaminsanahay in la helo Gaalkacyo horumarsan, toosan oo tayeysan," ayuu xusay.

Socdaalka Khayre ee degaanada Galmudug oo ay soo dhaweysay Beesha Caalamka ayaa soo afjaray khilaaf muddo u dhaxeeyay madaxweyne Xaaf iyo madaxtooyadda Soomaaliya.

"Midnimadda Umadda Soomaaliyeed waa muqadas," ayuu Khayre yiri, isaga oo intaasi raaciyey "Waxaan leeyahay Gaalkacyo waxaa tahay laf-dhabarka dadka Soomaaliyeed, taariikh ahaan".

Hadalkan ayaa imaanaya xili ay taagan tahay guux ku aadan dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartey dalka Guinea oo ay ku eedeysay in uu meel kaga dhacay madax banaanida iyo wadajirka qaranka.

Go'aankaasi ayaa yimid markii wadankaasi dhaca Galbeedka Afrika uu qaabilay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somaliland oo gooni isu taag ah tan iyo 1991-dii wuxuu caalamku u arkaa maamul ka tirsan Soomaaliya.

"Dalka waa in uu galaa dib u heshiisiin, dalka waa in uu helaa nidaam horumarineed oo qof walba oo Soomaaliyeed meel walbuu jooga u adeegaya, sidaasi darteeda socdaalkeena Gaalkacyo wuxuu ku saleysan dhismaha Galmudug oo dhameystiran oo aaney cidna sad bursi ku helin," ayuu daba dhigay.

Ugu dambeyntii, Ra'iisul Wasaaraha ayaa wuxuu soo dhaweeyay ciidamada isku dhafka ee ka howlgala Gaalkacyo kuwaasi oo hoostaga maamulada Puntland iyo Galmudug.

"Waxaan kaloo halkan u imid in aan qalabkooda u dhameystirno ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala [magaaladda Gaalkacyo," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Gaalkacyo waa magaalo ay ka kala arimiya maamul goboleedyadda Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo ay ugu kala magacaaban yihiin maamulo hoostaga labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM