Khayre oo amray Diblomaasiyiin inay degdeg usoo galaan dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda ayaa lagu faray mas'uuliyiinta, iyo diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan inay si deg deg Muqdisho ugu soo laabtaan.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo lagu soo xigtay Bayaanka ayaa lagu sheegay in amarka uu isaga bixiyay kadib markii ay cabooshin kala duwan kasoo gaartay Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Sudan.

Fahfaahinta cabashadda laguma xusin war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse warar leysla dhex-marayo ayaa tilmaamaya inay salka ku hayso eedaymo ku saabsan wax is dabamarin baahsan oo madaxda Safaarada lagu soo eedeeyay.

"Cabashada waxay Ardayda wax ka barata Sudan usoo gudbiyeen RW Khayre kulankii uu la qaatay markii uu ku sugnaa dalkaas booqashadiisii ugu dambeysay ee uu Sudan ku yimid," waxaa sidaas yiri masuul magaciisa ka gaabsaday oo dowlada ka tirsan.

Sii haayaha xilka Safiirka Soomaaliya ee Kharuum, Diblumaasiyiinta dalka u jooga Sudan iyo xubnaha Safaaradda ayaa guud ahaan lagu amaray inay si deg deg ugu yimaadaan caasimadda dalka ugu badnaa 19-ka bisha Agoosto ee 2018.

"Mas'uuliyiinata waxaan ka codsaneynaa inay ilaaliyaan waqtiga oo ay ku yimaadaan Magaaladda Muqdisho," ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka ay Wasaaradda soo saartay maanta oo Sabti ah, kaasoo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha GO.

Dad Soomaaliyeed oo isugu jirta Arday, Qaxooti, Ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa ku nool dalka Suudaan oo kamid ah wadamada caalamka ku yaala ee qaabilay Soomaalida ugu badan markii uu dalku dagaalkii sokeeye, kaasoo haatan laga soo kabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM